daajis.com:-Rag hubeysan ayaa caawa fiidkii weerar ku qaaday saldhigga Booliska ee degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho.
Kooxahan weerarka ku qaaday saldhigga degmada Huriwaa ayaa la sheegay inay saldhigga ku rideen dhowr Baasuuke iyo hubka fudud.
Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee saldhigga Huriwaa oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarka kooxaha hubeysan ee caawa ku qaadeen saldhigga Huriwaan aysan jirin cid wax ku noqotay.
Waxa uu intaasi ku daray in kooxahan ay saldhigga la dhaceen Baasuuke iyo rasaas fudud.
Kooxihi weerarka kusoo qaaday saldhigga Booliska Huriwaa ayaa waxaa baacsaday ciidamada dowladda ee degmadaasi Huriwaa.
Weerarkaan caawa lagu qaaday saldhigga Booliska Huriwaa ayaa kusoo beegmeysa xilli maanta magaalada Muqdisho lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada Nabad sugidda, iyadoo weerarkaasi ay geysteen maleeshiyaadka Shabaab.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 03:21 and have

