Sarkaal Sare oo ka tirsanaa Ciidamada nabad sugida oo maanta Muqdisho lagu dilay

Sarkaal Sare oo ka tirsanaa Ciidamada nabad sugida oo maanta Muqdisho lagu dilay

daajis.com:-Al-Shabaab ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho ay ku dileen Sarkaal sare oo ka tirsan Hay’adda Nabad Sugida Soomaaliya, kaasi oo ay magaciisa ku sheegeen Ibraahim Axmed Faarax.

Weerar saaka ka dhacay Degmada Xamar Jajab, gaar ahaan meel ku dhaw halka lagu magacaabo UNICEF ayeey Al-Shabaab sheegteen inay ku dileen Sarkaalkaasi, halka xubno kale oo la socday Sarkaal Kaasi Dhaawac halis ay ay gaarsiiyeen.
Al-Shabaab, waxa ay sheegeen in ciidamadooda u qaabilsan Ugaarsiga Saraakiisha Dowladda ay fuliyeen dilkaasi oo ay ku bartilmaameedsadeen Magaalada Muqdisho Sarkaalkaasi Hay’adda Nabad Sugida Soomaaliya ka tirsan.
War kasoo baxay Al-Shabaab oo lagu baahiyay Baraha Internetka Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in sarkaalkaasi uu la shaqeynaye ciidamada Nabad Sugida Soomaaliya gaar ahaan qaybta lagu magacaabo ka hortaga Argagixisada.
Sarkaalka la dilay ayaa wuxuu la socday gaari noociisa uu yahay NOHA, raga hubaysana waxa ay wateen gaari Suzuki ah sida ay sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka goobta weerarka uu ka dhacay ku sugnaa, waxaana la sheegay in ragan hubeysan ay rasaas harqiyeen gaariga Sarkaalkaasi uu saarnaa.
Saraakiisha Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan hadlin weerarkaan ay sheegteen Shabaab inay ku dileen Sarkaal Nabad Sugida Soomaaliya ka tirsan.
Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa faraha ka baxay oo waxaa maalin waliba Magaalada ka dhacaya dilal qorsheysan oo lagu bartilmaameedsanayo Saraakiisha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo raga Dowladda la shaqeeya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada