Daawo Sawirada:- Jarmalka oo Qaaday Koobka Aduunka Markii Afaraad

Daawo Sawirada:- Jarmalka oo Qaaday Koobka Aduunka Markii Afaraad

daajis.com:-Xulka dalka Jarmalka ayaa koobka aduunka qaaday markii afaraad taariikhda kadib markii ay caawa 1-0 uga badiyeen xulka dalka Argentina.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay weerar iyo rogaal celis, iyadoo xul kasta uu qalbiga soo geliyay inuu guul gaaro si uu koobka u qaado.

Daqiiqadii 22-aad Argentina ayaa ku dhowaatay inay hogaanka u qabato ciyaarta, kadib marki Gonzalo Higuain uu fursad uu gool ku dhalin karay ka qasaariyay xulkiisa.
We are the champions! Germany captain Philipp Lahm (front, second right) holds the World Cup aloft
Argentina ayaa daqiiqadii 30-aad laga diiday gool uu u dhaliyay Gonzalo Higuain, kadib marki calan wadaha uu sheegay inuu offside ku jiray.

Jarmalka ayaa ku dhawaaday inuu hogaanka qabto, marki laad xor ahayd oo uu laadaday Andre Schurrle banaanka u bixiyay goolhayaha xulka Argentina daqiiqadii 36-aad.

Daqiiqadii 45-aad Jarmalka ayaa ku sigtay inay gool helaan, kadib marki koorno uu soo laaday Tonny Kroos ay ku dhacday birta, waxaana nuski saaca ee hore lagu kala nastay bar-bar dhac gool la’aan ah.

Messi ayaa la gafay kubadda xilli uu jiiray daafacyada xulka Jarmalka daqiiqadii 46-aad ee bilaawgi qabti dambe ee ciyaarta.
The boss: Germany coach Joachim Low (centre) lifts the World Cup as his players celebrate around him
Labada xul ayaa isku mari waayay 90 ki daqiiqo ee ciyaarta,iyadoona lagu daray 30 daqiiqo oo dheeri ah oo ay ku kala haraan labadan xul ee Germany iyo Argentina.

Mario Gotez oo bedel ku soo galay ciyaarta ayaa xulkiisa Jarmalka u sahlay inuu ku guuleysto koobka Aduunka, marki uu gool qurux badan u dhaliyay daqiiqadii 113-aad, kubad uu daba mariyay goolhayaha Argentina.


Goolkaasi ayuuna xulka Jarmalka kaga badiyay xulka Argentina, iyadoona uu sidaas koobka ugu guuleysto xulka Jarmalka.

Xulka Jarmalka ayaa koobkaan u noqonaya kii afaraad ee ay ku guuleystaan, iyadoo horray ugu kala guuleystay sanadki 1954, 1974 iyo 1990-ki.
Joy and despair: The Germany players go wild after the goal but the Argentines are out on their feet
Big chance: Rodrigo Palacio (No 18) goes through in extra-time with glory beckoning
Gotze winning goal
 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada