Madaxweynaha Yemen oo Casilay General Maxamed Al Somali

Madaxweynaha Yemen oo Casilay General Maxamed Al Somali

daajis.com:-Madaxweynaha dalka Yemen Mansur Hadi ayaa xilka ka qaaday labo jeneraal oo hogaaminayey ciidamada Yemen.

Generaal Maxamed Al Somali oo ahaa Taliyaha sare ee ciidamada Yemen ee gobalka Xadramawt ayaa xilka laga qaaday kadib markii gobalkaasi ku yaal koonfurta Yemen ay goobo kamid ah qabsadeen xoogaga Al Qacida.

Madaxweynaha Yemen ayaa sidoo kale xilka ka qaaday Generaal Maxamed Al Makdishi oo ahaa Taliyihii ciidamada Yemen ee magaalada Amran oo ay todobaadkan la wareegeen xoogaga Shiicada ah ee Xuuthiyiinta.

Tilaabooyinka xilalka looga qaaday taliyayaasha ciidamada ayaa kusoo beegmaysa xili dowlada Yemen ay dagaal labo dhinac ah kula jirto xoogaga Al Qacida ee koonfurta dalkaasi ka dagaalamay iyo xoogaga Shiicada oo Waqooyiga ka dagaalamaya, labadaasi kooxood ayaa maalmihii lasoo dhaafay gaaray guulo dagaaladii ay la galeen ciidamada dowlada Yemen.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada