daajis.com:-Wasaaradda Caddaladda iyo
Arrimaha Dastuurka, Wasiirka arrimaha gudaha Cabdullahi Goodax Barre iyo
Guddoomiye Jawaari, ayaa si wada jir ah u taageeray daallada dib u
eegis loogu sameynayo dastuurka Somalia.
Kulan wada tashi ah oo ay soo
wada qaban qaabiyeen Wasaaradda Caddaladda iyo Arrimaha Dastuurka iyo
xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa looga hadlay dib-u-eegida
Dastuurka KMG ah ee Dalka, waxaana kulankaas ka soo qayb galay
Gudoomiyaha Baarlamaanka, Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Gudiga
madaxa banaan ee dib u eegista Daastuurka, Agaasimaha Guud ee
Madaxtooyada, Agaasimayaal ka kala socday Wasaaradaha,
Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha
Dastuurka mudane Farax Sheikh Cabdulqaadir oo ka hadlay xafladii
furitaanka ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay in la dadejiyo dib
u eegis dhamaystiran oo lagu sameeyo Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.
“Waxaa dib-u-eegista Dastuurka loo xil saaray Gudiga madax banaan oo ka
kooban Shan xubnood Wasaaraduna waxay lagarab taagan tahay taageero nooc
kasta ah” ayuu yiri Wasiirku oo dhanka kale xusay in magaacabista
gudigaan ay ka heleen taageero buuxda Madaxweynaha iyo Ra’iisul
Wasaaraha isla markaan dhaqaale ahaan iyo niyad ahaaba u taageeraan
dhamaystirka Dastuurka Dalka, waxaana wasaaradu cadaynaysaa in aysan wax
faro galin ah ku samaynayn howsha loo xilsaaray Guddiga Dastuurka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo
Federaalka mudane Cabdullahi Godax Bare ayaa dhankiisa bogaadiyey howsha
u bilaabatay Gudiga iyo sida baarlamaanka Soomaaliya u ansixiyey si ay u
guda galaan waajibaadka shaqo, Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in
looga baahan yahay wasaarada Cadaaladda iyo dastuurku in ay qaadato
kaalinteeda loona fududeeyo gudiga wixii sharciyad ah oo ay u baahan
yihiin, shaqaale xirfadlayaal ah oo la shaqeeya iyo dhamaan wixii u
sahli kara in shaqadooda ay si wanaagsan u gutaan.
Xiritaankii xaflada ayaa waxaa
hadal kooban oo ay ku dheehan tahay guubaabo iyo khibrad ka jeediyey
Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof, Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari oo runtii
qayb weyn ka soo qaatay hirgalinta Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.
“ Dastuurka Dalku wuxuu soo
maray maraaxil kala duwan, maantana waxaa furnay xaflada lagu daahfuray
sidii dastuurka dalka looga saari lahaa KMG, waxaana wasaaradu u
xilsaartay shaqadaas Aqoonyahano Soomaaliyeed oo shacab iyo dowladba aan
kalsooni ku qabno, waxaan gudiga ka rajaynaynaa in ay si caddaladi ku
jirto u gutaan shaqaadooda. shacabka Soomaaliyeed waxay ka dhursugayaan
sidii dalka loogu samayn lahaa Dastuur dhamaystiran, waxaan ilaahay
subxaana watacaala uga baryeeynaa inuu idinla garab galo shaqada weyn ee
laydin xilsaaray, waxaan balan qaadaynaa in Baarlamaanku idinla garab
istaagayo wixi taageero ah oo aad u baan tihiin” ayuu yiri Gudoomiyaha
Baarlamaanku.
Kulankaan oo ahaa mid afur ah
ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxweynaha JFS, Gudoomiyaha, Ra’iisul
Wasaaraha, Gudiga Hoosaadka Siyaasada ee Golaha Wasiirada, ayaa waxaa u
jeedkiisu ahaa in lagu dhiiri galiyo gudiga madaxa baanaan ee dib u
eegista dastuurka, loona muujiyo in qaybaha kala duwan ee dowladu ka
kooban tahay ay garab taagan yihiin howshan culus ee loo igmaday.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 03:17 and have
, Published at