DAAWO VIDEO: Qabrigii Nabi Yoonis CS oo kooxda Daacish burburineyso

DAAWO VIDEO: Qabrigii Nabi Yoonis CS oo kooxda Daacish burburineyso

daajis.com:-Kooxda Daacish ee ISIS ayaa dhulka dhigtay qabrigii Nabi Yoonis (CS), oo ku yiil magaalada Mosel ee dalka Ciraaq, arintan ayaa ka danbeysay kadib markii Khaliifaha Daacish uu amray in dhulka lala simo dhamaan, qabuurihii Anbiyada ee dalkaas ku yaal iyo xerooyinka culimada qaadiriyada iyo Shiicada ku cibaadeystaan.

Masjidka uu ku dhex yiil ayaa kooxda Daacish ay ka saareen meydkiisa, kadibna qarxiyeen oo dhulka ay la simeen, arrintaas oo muran iyo argagax badan ka abuurtay gudaha Ciraaq iyo caalamka kale intiisa kale.

Nabi Yoonis oo ahaa nabigii Xuudku liqay, ayaa Rabi u soo diray dadkii ku dhaqnaan jiray gobolka Ninawa ee dalka Ciraaq, kaas oo magaalada Mosel ay xarun ama magaalo madax u tahay, waxaana Nabi Yuunis (CS) wada Rumaysan Muslimiinta, Kiristaanka iyo Yuhuuda oo intuba u aaminsan Nabi Alle Soo Diray.

Culimada waaweyn ee Diinta Islaamka ayaa si wada jir ah, Shiico iyo Suniba u Canbaareeyay, waxa kale oo iyaguna canbaareeyay hogaamiyayaasha diimaha Yuhuuda iyo Kiristaanka, oo dhamaantood ku baaqay in talaabo laga qaado kooxda Dacish.

Ciraaq waxaa ku yaala Qabuuraha ugu tirada badan ee Ambiyada Alle soo diray, waxaana ka mid ah qabuuraha ku yaal , qabriga Nabi Aadam, Nuux, Yoonis, Haaruun, Shucayb, Idiris iyo anbiyo tiro badan.

HALKAN KA DAAWO BURBURINTA QABRIGA




_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada