Turkiga oo si KMG ah u joojiyay howlihii uu ka waday magaalada Muqdisho

Turkiga oo si KMG ah u joojiyay howlihii uu ka waday magaalada Muqdisho

daajis.com:-Hay'addaha samafalka iyo kuwa dib u dhiska ka waday magaalada Muqdisho ayaa hakad geliyay, howlihii ay mudooyinkii sanadaha ah ka fulinayeen magaalada Muqdisho kadib markii ay soo wajahday cabsi ku aadan in la bartilmaameedsado.

Saraakiil ka tirsan Hay'addaha Turkiga ayaa warbaahinta u sheegay in si KMG ah u joojiyeen howlihii ay ka wadeen Muqdisho tan iyo bisha Ramadaan laga baxayo, kadibna dib u bilaabi doonaan Ramadaanka kadib.

Safaarada Turkiga ee Muqdisho ayaa dareen cabsi leh ka muujisay in inta ka harsan bisha Ramadaan ay Muqdisho ka dhacaan weerarro ay dhici karto in lagu bartilmaameedsado shaqaalaheeda Muqdisho ka howlgala.

Wararku waxay intaas ku darayaan in shaqaalaha Turkiga lagu wargeliyay inay howlahooda hakad geliyaan inta uu ka dhammaanayo Ramadaanka, ayna howlahooda billaabaan karaan maalinta ciidda ah maalinta ku xigta.


Kooxo hubeysan ayaa dhawaan bartamaha Muqdisho ku toogtay Sarkaal ka tirsanaa shirkadda Turkish Airlines xili uu gaarigiisa ku socday.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada