R/wasaaraha oo xilkii ka qaaday taliyaha ciidamada booliska iyo kan nabad-sugidda, wasiirka amnigana magacaabay

R/wasaaraha oo xilkii ka qaaday taliyaha ciidamada booliska iyo kan nabad-sugidda, wasiirka amnigana magacaabay

daajis.com:-R/wasaare C/weli Sheekh Axmed ayaa magacaabay wasiirka Amniga Qaranka, isagoo xilalkii ka qaaday taliyayaasha ciidamada Booliiska iyo nabadsugidda una magacaabay taliyayaal cusub.


Wasiirka warfaafinta iyo hanuuninta dad waynaha xukumada Fereaalka Soomaaliya , Musftaf Sh.  Cali Dhulow oo shir jaraa’id  warbaahinta ugu qabtay    wasaradda warfaafinta   ayaa sheegay  in is badal  wayn lagu sameeyay lamaha amniga dalka, kadib weerarkii  ay shabaab   xalay ka gaysteen  xaruunta madax tooyada Qaranka  Soomaaliya, kaasi oo ay fashiliyeen cimadda dowladda.

Wasiirka  warfaafinta ayaa  tilmaamay in   wasiirka Amniga Qaranka  loo magacaabay,  S/guuto Qaliif Axmed Ereg, iyadoo xilkii laga qaaday taliyihii ciidanka Booliiska S/guuto C/xakiin Daahir Sacid halka taliyaha cusub ee boliska loo magacaabay  S/guuto Maxamed  Sh. Xasan Ismaciil , sidoo kale waxaa xilkii laga qaaday agaasimihii hey’adda sirdoonka iyo nabadsugida S/gaas  Bashiir Maxamed Jaamac,  waxaana si KMG ah xilkaasi he’yadda  u heynaya G/sare Maxamed C/llaahi Xaamud.

Wasiirka Warfaafinta ayaa xusay in R/wasaaruhu uu xeeriyay in taliyaha qeybta guud ee booliiska G/Banaadir iyo taliyaha Nabadsugidda G/Banaadir ay si toos ah u hoos tagayaan gudoomiyaha gobolka Banaadir.


R/wasaaraha ayaa faray wasiirka Amniga Qaranka inuu fuliyo amarkan islamarkaana uu si dhaqsa ah uga howlgalo sugidda amniga Qaranka, isagoo dhinaca kale hogaaminta booliiska iyo nabadsugida ku amray iney si adag oo dhiifoon u fuliyaan howshooda.

Go’aankan deg dega ah ee R/wasaare Dr. C/weli Sh. Axmed uu qaatay ayaa ka dambeeyay weerar ay ciidamadu fashiliyeen oo dhagar qabayaal ka tirsan Shabaab ku soo qaadeen xalay xarunta madaxtooyada Qaranka ee Villa Soomaaliya. 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada