R/wasaaraha Soomaaliya oo xalay shir gudoomiyay kulan looga hadlayay amaanka dalka

R/wasaaraha Soomaaliya oo xalay shir gudoomiyay kulan looga hadlayay amaanka dalka

daajis.com:-Waxaa xalay magaalada Muqdisho ka dhacay shir looga hadlayay amaanka,iyadoo uu shir guddoominayey Ra’iisul wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, waxaa ka qeyb-galay wasiirrada Xukuumadda intoo badan, guddiga Difaaca u qaabilsan Barlamaanka xubno ka socday taliyeyaasha Nabad sugidda iyo Boolis, guddoomiyaha gobolka Banaadir, waxaana looga hadlayey ammaanka caasimadda iyo isbadellada la qorsheeyey in lagu xasiliyo sidii loo fulin lahaa.

Inta uu socday shirka, ayaa waxaa lagu lafa guray weeraradi aamandarro ee dhawaan ka dhacayay magaalada Muqdisho ee lagu dilay mas’uulin ka tirsan xukumadda Soomaaliya.

Wasiirka difaaca qaranka Soomaaliya ahna siihayaha xilka wasiirka Amniga qaranka Jeneraal Maxamed Sheekh aya warbaahinta u sheegay in shirka uu kasoo baxay tallaabooyin ay dowladda iyo shacabka iska kaashanayaan sidii looga hortagi lahaa kooxaha amaandarrida ka wada caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Mudane Maxamed Sheekh waxa uu tilmaamay in inta badan shirka xoogga lagu saaray sidii loo sugi lahaa amaanka guud ee caasimadda, isagoona shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qayb qaataan ciribtirka kooxaha Shabaab oo dilal qorsheysan ka wada Muqdisho xilli ay muslimiintu Soomanyihiin.

Waa shirki labaad ee muddo 24 saac gudahooda lagu qabto magaalada Muqdisho shir looga hadlayo amaanka dalka, kadib marki ay sii kordheen weerarada ay Shabaab ku dilayaan madax ka tirsan dowladda Soomaaliya.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada