Maxamed Khalaf Aaden (Shangole) oo xalay ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Maxamed Khalaf Aaden (Shangole) oo xalay ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

daajis.com:-Allaha u naxariistee waxaa Habeenimadii xalay Ku geeriyooday magaaladda Muqdisho, Maxamed Khalaf Aaden (Shangole) oo Taariikh dheer ku lahaa Sports-ka Soomaaliya.

Geerida Marxuum Maxamed Khalaf Aaden (Shangole) ayaa waxa ay imaaneysaa isagoo mudooyinkaani ku xanuunsanaa Isbitaalada Magaalada Muqdisho, hayeeshee waxa uu Habeennimadii xalay u geeriyooday Xanuunkii haayay.

Shangole ayaa ahaa Captain-kii ugu horeeyay ee uu yeesho xulka Qaranka Soomaaliyeed, waxaana lagu xasuustaa in dhicitaankii Dowlada Siyaad Barre kadib soo saaray dhalinyaro badan oo iyagu jeclaa soo saarida Sumcada Somalia dhanka Sports-ka.

Dhanka kale, Wasaarada Sports-ka DFS ayaa Saakay wado qorsho ay ku muujineyso kaalinta kaga aadan Aaska Khabiirkaasi geeriyooday, waxaana la filayaa in islamaantaba la Aaso Meydka Marxuumka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada