DIL:- Xildhibaan katirsanaa Baarlamaankii KMG oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

DIL:- Xildhibaan katirsanaa Baarlamaankii KMG oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

daajis.com:-Kooxo Bistoolado ku hubeesan ayaa Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir waxa ay ku dileen Xildhibaan horey uga katirsanaa Baarlamaankii Dowladii KMG ee Soomaaliya.

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in Xaafada Nation-link, ee Degmada Wadajir lagu dilay Ex-Xildhibaan Cumar Bagadi oo katirsanaa Baarlamaankii KMG ahaa.

Kooxihii dilay Cumar Bagadi ayaa la sheegay in ay ka baxasdeen goobtii ay dilka ka geesteen , waxaana goobta uudilku ka dhacay soo gaaray Ciidamada amaanka Degmada Wadajir kuwaa oo howlgal ka sameeyay Xaafada uu dilku ka dhacay.

Ma jiro ilaa hada cid sheegatay Masuuliyada dilka loo geestay Xildhibaan horey uga tirsanaa Baarlamaankii KMG ee Soomaaliya , dilkan ayaana qeyb ka noqonaya Falalka amaan daro ee kusoo kordhay Magaalada Muqdisho.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada