SAWIRRO:- M/wayne Gaas oo Kullan laqaatay Madaxa Xafiiska UNFPA ee Puntland

SAWIRRO:- M/wayne Gaas oo Kullan laqaatay Madaxa Xafiiska UNFPA ee Puntland

daajis.com:-Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta aqalka Madaxtooyada Puntland ee Garoowe kullan kula qaatay Madaxa Xafiiska UNFPA ee Puntland Mr Bakhtior Kadirov Qamar,

iyo Mrs Baxsan Axmed Siciid oo ah Madaxa Jinsiyada iyo Dhalinyarada ee Hay’adda UNFPA.

Kullankaan ayaa waxaa Madaxwaynaha Dowladda Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ku wehliyay Wasiirka Wasaarada Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah iyo Saraakil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Mudadii uu socday shirka ayaa waxaa looga hadlay qodobo ay kamid ahaayen Dar Dar galinta Mashruuca Tirakoobka Puntland,Isbitaalka Garoowe oo dhawaan laga furayo qaybta dhalmada iyadoo loo samaynayo olole looga hortagayo Dhimashada Hooyooyinka Umul Raaca.

Hay’adda UNFPA ayaa siweyn uga qayb qaadatay Horumarinta Dhalinyarada Puntland,iyadoona gacan weyn ka gaysatay Ciyaarihii Gobolada Puntland ee Dhawaan ka qabsoomay Magaalo Madaxda Puntland Garoowe.


-DHAMMAAD-






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada