War deg deg ah. Dagaal xoogan oo goor dhow ka qarxay Duleedka Baledweyne iyo Khasaaro badan oo laga soo sheegayo.

War deg deg ah. Dagaal xoogan oo goor dhow ka qarxay Duleedka Baledweyne iyo Khasaaro badan oo laga soo sheegayo.

daajis.com:-War hadda naga soo gaaray Duleedka Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in Dagaal xoogan uu halkaasi ka socdo.

Dagaal ayaa la sheegayaa inuu u dhexeeyo Labo Maleeshiyo Beeled halkaasi wada dega, waxaana la soo warinayaa inay isu adeegsanayaan Hubka fud-fudud iyo kan culus.

Dagaalka oo hadda socdo ayaa waxaa sidoo kale laga soo sheegayaa inuu u dhexeeyo Maleeshiyo Xoola Dhaqato ah waxa uuna si toos ah uga socdaa Deegaanka Diifoow oo aan sidaa uga fogeyn Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan, iyadoona la sheegayo in dhaawacyada ku waxyeeloobay iminka Dagaalka loosoo daad gureynaayo Isbitaalka weyn ee Beledweyn.

Dagaalka ayaa Xoogiisa hada socda,waxaana Labada Dhinac ee dagaalamaya ay kala helayaan Gurmadyo soo kala gaaraya, iyadoona aan la xaqiijin Karin halka uu gaarsiisan yahay Khasaaraha dhimasho iyo kan dhaawaca.

Dhanka kale, mid kamid ah Odayaasha Deegaankaasi oo aan xiriir la sameynay ayaa inoo xaqiijiyay in uu jiro Khasaaaro Dhimasho iyo Dhaawac ah oo soo kala gaaray Labada Dhica,inkastoo aan la sheegin Tirada dadka dhintay,maadaama uu wali dagaalku socod.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in Dadka Reer Guuraagaa ay ka Barakacayaan Saaka Deegaanka Diifoow iyo Tuulooyinka Hoosyimaada,kuwaas oo ka Cabsi qaba in dagaalku uu saameen kuyeesho.

Lasoco wixii faahfaahin dheeri ah wararkeena dambe

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada