War Deg Deg ah. Qarax goor dhow ka dhacay Agagaarka Xarunta Wasaarada Gaashandhiga Dowlada Federaalka Somalia

War Deg Deg ah. Qarax goor dhow ka dhacay Agagaarka Xarunta Wasaarada Gaashandhiga Dowlada Federaalka Somalia

daajis.com:-War goor dhow naga soo gaaray Xaafada Shiirkole ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in goor dhow Qarax xoogan uu ka dhacay Agagaarka Wasaarada Gaashandhiga Dowlada Federaalka Somalia.

Qaraxa ayaa waxaa lasoo sheegayaa inuu ahaa mid lala damacsanaa Fariisimo ay ku sugnaayen Ciidamada Dowlada una dhowaa Wasaarada, waxaana la sheegayaa in Qaraxaasi uu ku dhintay Hal ruux.

Qaraxa kadib ayaa waxa ay Ciidamada Dowlada ooda ka qaaden risaas iyadoona ku dhawaad 10-daqiiqo ay rasaastasi soctay, ka gadaal markii ay garan wayeen halka looga soo gamay Bambada.

Qaraxa lagu weeraray halkaasi ayaa waxa uu qeyb ka yahay Weeraro ay iclaamiyeen Xoogaga Alshabaab, iyadoona qaraxa uu barbar socdo dilal kala duwan oo maanta ka kala dhacay Magaalada Muqdisho.

Saraakiisha Ciidamada Dowlada ayaan wali ka jawaabin Weerarada is xig xiga oo ay Kooxda Alshabaab ka dhex fulineyso gudaha iyo daafaha Magaalada Muqdisho, waxa uuna weerarkaasi muujinayaa in Alshabaab ay ka dhabeysay go’aankii ahaa inay weeraro iyo dilal ku fulin doonaan Ciidamada iyo gabi ahaanba shaqaalaha Dowlada.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 08:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada