Al Shabaab oo war aan la filaneyn kasoo Saaray Dilkii Nuur Baraxoow

Al Shabaab oo war aan la filaneyn kasoo Saaray Dilkii Nuur Baraxoow

daajis.com:-Habeen hore waxay dawlada Somaliya sheegtay inay ku dishay Magaalada Muqdisho Sargaal katirsanaa Sirdoonka Al Shabaab laguna magacaabi jiray Nuur Baraxoow.

Weerarka lagu dilay Nuur Baraxoow waxa fuliyey Ciidanka Gaashaan/Alfa Group waxaana la sheegay inuu ahaa Sargaalkaasi ay dileen Kuxigeenkii Madaxa Sirdoonka Al Shabaab ee Gobollada Shabellaha Hoose iyo Benaadir.

Markii ugu horeysay ayaa waxa warkaasi ka hadlay Al Shabaab iyagoo been abuur ku sheegay inuu katirsanaa Nuur Baraxoow waxayna Shabaabku yiraahdeen waxa uu ahaa ninka la dilay qof shacab ah oo deggenaa Degmada Heliwaa.

Ilaa hadda War ka madax banaan labada dhinac ee dagaalka isku haya ma heyno oo xaqiijin kara Nuur Baraxoow in uu ahaa Al Shabaab iyo inuu Shacab ahaa. 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada