Daawo Video:- AMISOM oo ka jawaabtay eedeyn ugu timid Xukuumadda

Daawo Video:- AMISOM oo ka jawaabtay eedeyn ugu timid Xukuumadda

daajis.com:-Siihayaha wakiilka Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, Lydia Wanyoto Mutende ayaa sheegtay in ay raali gelin ka bixinayaan eedeymaa ugu yimid Golaha Wasiirada Somalia, isla markaana waxay sheegtay in la hakiyay soo kordhinta ciidamada AMISOM inta la looga helayo cudurka Ebola.

Golaha Wasiirada, ayaa dhawaan ku eedeeyay AMISOM in ay dhegaha ka fureysteen dalabkoodii ahaa, in dib loo furo wadooyinka ku xirmay Deegaanada billo ka hor laga saaray Ururka Al Shabaab. Si gargaarka loo gaarsiiyo dadka u baahan.

Waxay sheegtay Lydia Wanyoto Mutende in sida ugu dhaqsiyaha badan ay dib u furi doonaan wadooyinka xeran si gargaarka loo gaarsiiyo dadka dhibaateysan isla markaana howlgalkoodu uu sii socon doono.

Sidoo kale waxay sheegtay in Amisom ay diyaar u tahay in ay qaado hawlgalo ballaaran oo ka dhan ah Ururka Al Shabaab, si looga wada saaro Deegaanada ay kaga sugan tahay Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ee Somaliya, inkastoo aysan sheegin xiliga ay bilaabanayaan.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada