War Deg-Deg:- Al-Shabab oo fal laga naxay ku kacday

War Deg-Deg:- Al-Shabab oo fal laga naxay ku kacday

daajis.com:- War naga soo gaaray Degmada Lafoole ee duleedka Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in Maleeshiyada Kooxda Alshabaab ay Degmadaasi ka geysatay Fal naxdin leh.

Wararka waxa ay nagu soo gaarayaan in Maleeshiyada ay qoorta ka jartay Nin ka tirsanaa dadka Deegaanka Lafoole, iyagoona dilka kadin gaari marsiiyay wajiga Ninkaasi oo ay qoorta ka jareen.

Ninkaani ayaa la sheegayaa in Maleeshiyada ay kala soo baxday hooygiisa, islamarkaana jir dil u geysteen kadibna ay qoorta ka jareen iyagoona si aan loo aqoonsan markii la gowracay gaari madaxa iyo Wajiga ka maray.

Dadka Deegaanka ayaa garan waayay Muuqaalka Ninkaani oo da’diisu u dhexeyso 20-30 jir.

Sidoo kale, Maamulka Degaanka Lafoole ee Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in Meydka uu halkaasi yaalay inkabadan 7-saacadood, waxa ayna ka gaabsadeen in ay faah faahin ka bixiyaan iyagoona  sheegay in Falkaasi naxdinta leh ay geysteen Maleeshiyada Alshabaab.

Dhanka kale, Falkaani ayaa waxa uu noqonayaa mid ay Maleeshiyadu ku qalqal galiso Shacabka xiliyada lagu wiiqo Dagaalada ay kula jiraan Ciidamada Dowlada iyo AMISOM, mana aha markii ugu horeysay oo ay dilkaani foosha xun ay ka geystaan Deegaanka Lafoole.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada