TOPNEWS:- Siyaasiyiinta Hawiye oo ka digay in DF ay hub a dhigis ku waddo ayaga kaliya

TOPNEWS:- Siyaasiyiinta Hawiye oo ka digay in DF ay hub a dhigis ku waddo ayaga kaliya

daajis.com:-Guddoomiyaha xisbiga nabadda iyo dimuquraadiyada Cabdullaahi Sheekh Xasan oo shir jaraa’id Muqdisho ku qabtay ayaa sheegay in dowladda ay dooneyso in ay hub ka dhigis ku sameyso 63 xubnood oo ah dadka deggan Muqdisho.


Wuxuu sheegay dadkaas in ay isugu jiraan xildhibaanno iyo siyiiyiinn reer Muqdisho ah sidda uu hadalka u dhigay.

Wuxuu tilmaamay mar haddii uu madaxweynaha yiri ma ilaalin karo ammaanka xildhibaannada haddii ra’iisal wasaaraha iyo wasiirka garsoorka ay billaabeyn in ay hubka ka qaadaan xildhibaannada iyo siyaasiyiinta reer Muqdisho.


“Madaxweynaha wuxuu si cad u sheegay in aaney difaaci karin ammaanka xildhibaannada ra’iisal wasaaraha iyo wasiirka garsoorka waxay billaabeyn in ay hubka ka qaadaan xildhibaannada is-difaaci kara, waan ognahay ammaanka Muqdisho in ilaa shan xildhibaan la dilay sanadkan” ayuu yiri Cabdullaahi Sheekh Xasan.

Mar uu ka hadlaayay arrintaas cidda wada wuxuu tilmaamay in ay wadaan ra’iisal wasaaraha iyo wasiirka garsoorka iyo fedaraalka balse wuxuu ka digay in arrintaas ay abuuri karto dagaal

Siyaasiga Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa tilmaamay haddii la doonayo in hub ka dhigis la sameyso dalka loo baahan in gobalada oo dhan laga sameyso balse ay qalad tahay in cid gaar ah la beegsado ama dadka magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, wuxuu ka hadlay guddoomiyaha xisbiga nabadda iyo dimuqaadiradiyada go’aan ka soo baxay maxkamadda sare ee ciidamada kaasoo ah in waalidiinta dhalay dadka Shabaab ku jira in lala maxkamadeyn doono.

Wuxuu sheegay arrintaas in sharciga islaamka iyo dastuurka dalka uusan ku qorneen balse waa arrin ay wataan madaxda dowladda iyo koox gaar ah ayuu yiri.

Hadalka Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa ku soo aadaya iyadoo dowladda ay ku dhawaaqday in uu billowday hub ka dhigis guud oo dalka ka hirgashay kaddib markii la ogaaday in hoggaamiyaashii kooxeedyada inay xiriir la sameysteen Al-Shabaab.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada