Dadka deggan magaalada Marka oo kacabanaya ciidamada AMISOM

Dadka deggan magaalada Marka oo kacabanaya ciidamada AMISOM

daajis.com:-Shacabka ku nool Magaalada Marka ee xarunta Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa ka cabanaya, ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaaladaasi oo ay sheegeen inay dhibaatooyin kala duwan ku hayaan dadka Magaaladaasi degan.


Haweenay kamid ah dadka deegaanka Marka ayaa waxa ay sheegtay in ciidamada AMISOM dhibaatooyin joogto ah ay ku hayaan dadka magaalada ku nool.

Waxay kaloo sheegtay haweenaydaan kamidka ah dadka deegaanka in ciidamada AMISOM mar waliba oo qarax lala eegto ay khasaaro gaarsiiyaan dadka shacabka ah.

Shalay iyo Doraad waxaa Magaalada Marka ka dhacay Banaanbax looga soo horjeedo joogitaanka ciidamada AMISOM Magaalada Marka, dibad baxaasi oo ay dhigayeen dadka deegaanka.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha hoose.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada