Al-Shabaab oo xukun qoor goyn ah ku fuliyey nin ajnabi ahaa oo u dhashay dalka…

Al-Shabaab oo xukun qoor goyn ah ku fuliyey nin ajnabi ahaa oo u dhashay dalka…

daajis.com:-Dagaal yahannadda Al-shabaab ayaa la sheegay inay maanta oo Jimco ah Xukun qoor-goyn ku fuliyeen nin ajnabi ahaa oo dalka Kenya kasoo jeeday, islamarkaana ahaa darawal ay shalay ka soo afduubteen meel ku dhow Degmadda Laamu.

Ciiddanka Difaaca Kenya (KDF) ayaa la sheegay inay maydka Dareewalkaasi ka dhex heleen dhulka kaymaha leh ee Boni, oo la rumeysan yahay inay Dagaalyahanadda hubeysan ku dhuumaalaystaan.

Dareewalka la gawracay ayaa magaciisa lagu sheegay George Mwita.

Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Lamu, Njenga Miiri ayaa sheegay inay Dagaalyahannadda garba-duub u xireen Dareewalka, ka hor intaysan rubbadda ka jarin.

Waxa uu intaasi ku daray inuu gawracaasi dhacay, ka hor intaysan Ciiddanku soo gaarin halkii lagu hayey, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay baadigoobayaan kooxihii ka dambeeyey gawracaasi.

Dagaalyahanno ka tirsan Alshabaab ayaa waxay afar qof ka soo qafaasheen duleedka Garisa, kuwaasi oo qaad u waday Raas Kambooni.

Alshabaab waxay sii daayeen saddex ka mid ah dadkii ay qafaasheen, kadib, markii ay ogaadeen in ay Muslimiin ahaayeen, waxayna maanta gawraceen Dareewalkii gaarigaasi, oo la oran jirey Geirge Mwita.


Ninka la dilay ayaa waxay Alshabaab shalay la qafaasheen 3 nin oo la socotay, kuwaasi oo la sii daayey, kadib, markii ay sheegeen inay Muslimiin yihiin.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada