Daawo Sawirada:- M/weynaha oo la kulmay sarkaal ka socday Kongreska USA.+ warbixin

Daawo Sawirada:- M/weynaha oo la kulmay sarkaal ka socday Kongreska USA.+ warbixin

daajis.com:-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xaruntiisa ku qaabilay, sarkaal ka socday golaha Kongareska Mareykanka, waxaana kulankan Madaxweynaha ku wehliyay Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyeyaasha ciidamada xoogga dalka.

Sarkaalkan ka socda Golaha Kongareska oo lagu magacaabo Frank Lobioda ayaa waxay Madaxweynaha kala hadleen arrimaha amniga dalka, iyo taageerada dowladda Mareykanka ee ku aadan horumarinta hay’adaha amniga ee Soomaaliya.

Kulankan oo talooyin kala duwan la isku dhaafsaday ayaa madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud waxa uu uga mahadceliayya dowlada Mareykanka taagerada ay siiso Soomaaliya isagoo muujiyay sida loogu bahaanyahay in la kordhiyo lana siiwado.

Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Cali Maxamed Cumar ayaa sheegay in u jeedada mudane Frank uu u yimid Soomaaliya ay tahay sidii uu u ogaan lahaa xaalada dhabta ah oo hadda ka jirta Soomaaliya gaar ahaan amaanka.

Agaasimaha ayaa intaa ku daray Mr Franka Lobionda oo ka tirsan Kongareska Mareykanka  loo sharaxay xaaladda Soomaaliya iyadoo Madaxweyanaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu u sheegay in taageerada dhanka ciidamada oo  dowladda Mareykanka ay siiso Soomaaliya uu ugu mahadceliyay.


Dowladda mareykanka ayaa dhinacyo badan oo ciidamadu ugu horeeyaan ka caawisa dalkeena iyadoo Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud safarkiisii uu dhawaan ku tagey dalkaasina uu Mareykanku bixiyay balanqaadyo hor leh taasoo muujineysa xiriirka 2 wadan ka dhaxeeya ee dib usoo laabtay . 






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada