Arin:- Dhaqan xumo ah oo lid ku ah Diinta oo kusoo korortay Hargeysa

Arin:- Dhaqan xumo ah oo lid ku ah Diinta oo kusoo korortay Hargeysa

daajis.com:-Shacabka Hargeysa ayaa ka walaacsan dhaqan xumo mudooyinkan kusoo badanayay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.

Dhalinyaro isugu jira Rag iyo Dumar oo da’ahaan aan ka badneyn 18 ilaa 25 jir, ayaa la sheegay in xiliyada saqdii dhexe ee habeenkii ay magaalada ka sameeyaan falal dhaqan xumo ah, iyagoo ku wareega gaadiid yaryar oo nooca raaxada ah, waxayna isticmaalayaan daroogada nooca Khamriga ah.

Xiliyada danbe ee habeenkii ayaa si weyn looga dareemaa dhaqdhaqaaqooda iyo hab-dhaqanka cusub ee ay soo kordhiyeen, iyadoo la arko inay ku dagaalamayaan maandooriyaha Khamriga ama dusha ka wada saaran yihiin Gaadiidka yar yar iyagoo isugu jira rag iyo dumar.

Falalkan dhaqan xumada ah ee kasoo horjeeda dhaqanka suuban iyo Diinta Islaamka ayaa noqday kuwo mudooyinkan kusii xoogeysanaya Hargeysa, iyadoo xiliyada danbe ee habeenkii wadooyinka lagu arko dhalinyaradan oo falal xun xun ka geysanaya.


Waxaa meesha ka marneyn in Hoteelo iyo goobo kale oo dhalinyarada isugu tagaan ay jiraan, kuwaasi oo dadka ay ka digayaan haddii ay sii socdaan in dhibaato ay ka dhalan karto.

Dhalinyaradan ayaa intooda badan yihiin Rag iyo Dumar dib ugu soo laabtay Somaliland, kuwaasi oo qaarkood dhaqan celis ahaan loo keenay.

Ciidamada amaanka ayaa xiliyada ay qabtaan, dhibaato kala kulma, waxaana dhacda inay tanaasul u sameeyaan ciidamada, maadaama aysan fasax u haysan tallaabada laga qaadayo dhalinyaradaasi saqraansan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada