daajis.com:-War goor dhow naga soo gaaray Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in Qarax xoogan lala eegtay Kolonyo gaadiid oo ay la socdeen Saraakiil iyo Ciidamo AMISOM ah.
Ciidamada ayaa waxaa Qaraxa lagula eegtay Gudaha Magaalada Marko, waxaana la Tilmaamayaa in Qaraxa uu ahaa Miino dhulka loogu aasay Kolonyada gaadiidka.
Qaraxa oo ahaa mid horey loogu diyaariyay Hareeraha Wado ku taalla Xaafadda Ruusiya waxaana Qaraxaasi ku dhintay Haweeney kamid ahayd daka deegaanka, iyadoona aan la ogeyn Khasaaraha kasoo gaaray Ciidanka AMSIOM.
Sidoo kale, wararka ayaa waxa ay intaa ku darayaan in Qaraxa uu ahaa mid aad u xoogan, waxaana la tilmaamayaa in Qaraxa kadib ay AMISOM rasaas ooda uga qaaden dad shacab ah oo halkaasi maraayay xiliga Qaraxa.
Dhanka kale, waxaan jirin cid sheegatay Mas’uuliyadda Qaraxa inkastoo Qaraxyada Ceynkaasi looga bartay Kooxda Alshabaab.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:00 and have
, Published at