Deg-Deg:- Ciidamo sita Hubkii ugu cuslaa oo ka goostay Axmed Madoobe iyo Barre Hiirale oo soo dhaweeyay

Deg-Deg:- Ciidamo sita Hubkii ugu cuslaa oo ka goostay Axmed Madoobe iyo Barre Hiirale oo soo dhaweeyay

daajis.com:-War goor dhow naga soo gaaray Magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa Raaskambooni ay usoo goosteen Col. Barre Hiiraale.

Ciidamada ka goostay Axmed Madoobe, ayaa gaaray Deeganka Gobweyn ee Duleedka Kismaayo, waxaana la tilmaamayaa inay wateen Hubka Culculus, xiligii ay u goosanayeen Barre Hiiraale.

Ciidamada Axmed Madoobe ka goostay, ayaa gaaraya illaa Sagaal Askari oo iyagu ka cabanaaya dhaqan xumi iyo daryeel la’aan ay kala kulmeen Hoggaamiyaha Raaskambooni.

Waxaa la tilmaamayaa in Ciidamada goostay ay ka soo jeedan beelaha , Garre, Gacaljecel iyo Cowromaleh waxaayna horay uga tirsanayeen Maleshiyaadka Axmed Madoobe.

Dhanka kale, waxaan weli Arrintaani ka hadlin Hoggaamiyaha Raaskambooni Axmed madoobe waxa ayna Ciidamadaani ay noqonayaan Kooxdii Seddexaad oo muddo Bil gudaheeda ka goostay Axmed Madoobe.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada