AMISOM war la yaab leh ka soo saartay weerarkii Axmed Daaci

AMISOM war la yaab leh ka soo saartay weerarkii Axmed Daaci

daajis.com:-Howlgalka AMISOM ayaa faah-faahin ka bixiyay dagaal xooggan oo saakay aroortii ka dhacay magaalada Muqdisho kaasoo dhex maray ciidamada dowladda oo taageero ka helaya kuwa AMISOM iyo maleeshiyaad daacad u ah guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Daaci.

Shir jaraa’id oo goordhow uu ku qabtay magaalada Muqdisho, taliyaha guutada koobaad ee AMISOM ee Muqdisho iyo labada shabeellooyinka ayaa sheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay si wadajir ah weerar ugu qaadeyn gurri uu deggan yahay guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir kaasoo la rabay in lagu sameeyo hub ka dhigis.

Wuxuu sheegay in howgalka lagu qaaday gurriga Axmed Daaci uu ahaa mid la sii ogaa oo lagu ballaamay maadama uu heystay hub sharci darro ah, isagoona intaas ku daray in markii ay tageyn goobta in maleeshiyaad hoostaga Axmed Daaci ay isku dayeen in ay la dagaallamaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM balse waxaa laga dhigay ayuu yiri wax la qabtay iyo wax baxsaday.

Wuxuu sheegay oo kale in gacanta ku dhigeyn 18-maleeshiyaadka dagaallamayay iyo hub aad u fara badan oo laga helay gurriga uu degganaa Axmed Daaci.

Sarkaalkan ayaa tilmaamay in maleeshiyaadka la qabtay ay ku jiraan kuwa dhaawacyo qaba oo hadda waxaa lagu daweynayaa ayuu yiri Isbitaalka Xalane ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu tilmaamay in maleeshiyaadka ay la dagaallameyn iyo Axmed Daaci ay leyn Karen balse ay iska cafiyeen sidda uu hadalka u dhigay.


Wuxuu kaloo sheegay in labo ka mid ah baabuurtooda ay wax yeelo soo gaartay markii ay ku dhacday rasaasta ay soo rideen kooxda la weerarray.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in AMISOM ay u timid Soomaaliya siddii loo gacan siin lahaa DF isla markaana loola dagaallami lahaa Al-Shabaab isagoona intaas ku daray in cid kasta oo la dagaallanta Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda in ay u arki doonaan Al-Shabaab.

Si kastaba, dagaalkii saakay ka dhacay degmada Wadajir waxaa ku geeriyooday in ka badan 10 qof oo u badan shacab iyadoo 20 kalena ay ku dhaawacmeyn.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada