Cabdullaahi Sheekh Xasan:- DF waxaa looga baahan yahay in ay jawaab cad ka bixiso howgalkii saakay

Cabdullaahi Sheekh Xasan:- DF waxaa looga baahan yahay in ay jawaab cad ka bixiso howgalkii saakay

daajis.com:-Siyaasiga Cabdullaahi Sheekh Xasan oo gurrigiisa saakay aroortii la weerarray ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay in ay jawaab cad ka bixiso weerarka lagu soo qaaday.

Wuxuu sheegay abaare 5:00am ee subaxnimo in ay ka warheleyn ciidamo AMISOM oo gurrigiisa taagan isla markaana rasaas lagu furaayo albaabkiisa.

Wuxuu sheegay oo kale markii ay ka warheleyn in waxa goobta ay yihiin ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda in uu la yaabay.

Guddoomiyaha xisbiga nabadda iyo dimuquraadiyadda ayaa tilmaamay in sababta loo soo weeraray ay tahay afkaartiisa oo ka dha ah dowladda.

“Anniga hub ma heysto waxa la ii soo weeraray waa afkaarta aan aaminsanahay oo dowladda ay diidan tahay, labo wiil oo malaamileey ayaa I waardiyeesa oo tuugada aan isaga celiyaa” ayuu yiri Cabdullaahi Sheekh Xasan.

Wuxuu kaloo sheegay in ciidamada AMISOM uu aaminsanaa in ay dhex-dhexaad ka yihiin arrimaha Soomaaliya oo ay kaliya dalka u joogaan sidda ay ula dagaallami lahaayeen Al-Shabaab.

“Anniga AMISOM ayaa idinla dagaallamaysa ma aamisaneyn oo waxaan u arkayaa AMISOM dhexdhexaad balse wixii dhacay jawaab ayaa la iska rabaa” ayuu yiri Cabdullaahi Sheekh Xasan.

Siyaasigan oo marar badan dowladda ka sheegay hadallo ay dhibsatay ayaa la weydiiyay halka uu ku sugan yahay wuxuu sheegay in meel aan ka fogeyn gurrigiisa uu ku sugan yahay, isla markaana xaafiiskiisa iyo astaantii xisbiga nabadda iyo dimuquraadiyadda la burburiyay markii ciidamada isbaheesanaya ay galeyn gurrigiisa.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in howgallada ay yihiin kuwa u jeedo gaar ah leh oo ay wataan shaqsiyaad gaar ah oo madaxda dowladda islama qabto ayuu yiri.

“Arrintan cid gaar ah ayaa wadata, ma ahan wax dalka oo dhan hub ka dhigis loogu sameenaayo seddaxdii howlgal waxay ka dhaceyn hal degmo, ma ahan wax ay ogyihiin guddiga ammaanka, baarlamaanka ama dalka oo dhan marka waa in la horkeeno cadaalladda cidda na soo weerartay” ayuu yiri Cabdullaahi Sheekh Xasan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada