Daawo Sawirada:- Taliye cusub oo xilka Taliska qeybta Booliska gobolka Bari Lagu Wareejiyey

Daawo Sawirada:- Taliye cusub oo xilka Taliska qeybta Booliska gobolka Bari Lagu Wareejiyey

daajis.com:-Waxaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay Taliyaha cusub ee qeybta booliska gobolka Bari Gaashaanle sare Cabdixakiin Yuusuf Xuseen oo dhawaan xilkan usoo magacaabay Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Gaas.

Munaasabad xilalka kula kala wareegayeen Saraakiishan oo ka dhacday Saldhiga bartmaha ee magaaladda Boosaaso ayaa waxa ka qeybgalay Taliska booliska Puntland ,maamulka gobolka bari kan degmada Boosaaso ,saraakiil iyo qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska.

Taliye kuxigeenkii qeybta booliska gobolka Bari Gaashaanle dhexe Axmed Yuusuf Muuse (Jaqanaf) oo xilka sii haye ka ahaa oo ugu horeyn munaasabada ka hadlay ayaa sheegay maanta xilka Taliska lagu wareejinayo iyadoo la fulanayo amarka Taliyaha booliska Puntland.

Gaashaanle dhexe Axmed Yuusuf Muuse (Jaqanaf) ayaa xusay in dhammaanba uu maanta ku wareejinayo wixii mas’uuliyad ah ee horay qudhiisu u ahay ayna kamid tahay maamulka Xafiisayadii lagu shaqeynayay,gaadiidka iyo Ciidanka.

Taliyaha cusub ee qeybta booliska Puntland Gaashaanle sare Cabdixakiin Yuusuf Xuseen oo xilka la wareegay ayaa sheegay in hawsha culus ee loo dhiibay ku faraxsanyahay isla markaana bulshada iyo laamaha Ciidankaba ka codsanayo in loogu duceeyo siduu u gudun lahaa hawsha hortaala.


Wuxuu sheegay in horey u uga soo shaqeeyey Hoggaanka Taliska ee hadda loo dhiibay ,isagoona qeybaha bulshada ka codsaday in si daacad ah loola shaqeeyo si hawlaha adag ee horyaala sida ugu fudud loogu qaban lahaa dhammaantood.

Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan iyo duqa degmada Boosaaso Xasan Cabdalla Xasan oo munaasabada xil wareejinta hadalo ka jeediyey ayaa amniga guud ee gobolku hagaagayo marka laamaha amniga iyo shacabku la yimaadaan wadashaqeyn dhab ah taasna looga fadhiyo laba dhinac.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Maxamed Siciid Jaqanaf ayaa isna dhankiisa sheegay in Taliyahan cusub horey uga soo shaqeeyey gobolka isla markaana uusan ahayn shakhsi ku cusub balse qeybaha bulshada looga baahanyahay iney la shaqeeyaan Taliska cusub.


Taliska cusub ee loo soo magacaabay gobolka Bari ayaa looga fadhiyaa hawlo badan oo dhanka ammaanka ah,waxaana magaaladda Boosaaso iyo guud ahaan gobolkuba ahaa mid ammaankiisu wanaagsanaa intii uu hayey xilka AUN Taliye Muslim oo qarax ismiidaamin ah lagu dilay gudaha magaaladda.









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada