Halkaan:- Ka Aqriso Sida Loola Dhaqmo Dadka Dabeecadaha Qal-qalafsan Leh

Halkaan:- Ka Aqriso Sida Loola Dhaqmo Dadka Dabeecadaha Qal-qalafsan Leh

daajis.com:-Waa kuwee dadka dabeecadaha adag lihi?. Dadka dabeecadaha qalafsan waxa lagu tilmaamaa in ay yihiin dadka aan la fahmin. Waa dadka yeela sida aanad doonayn in ay yeelaan ama aan yeelin sida aad doonaysid in ay yeelaan, waa dadka aanad garnaynin si alaala si aad ka yeesho!
Haddaba sideen ula dhaqmi karnaa dadkan? sideen se u fahmi karnaa? sideebaan uga badbaadi karnaa dhibkooda? Sidee baynu se wax ugu sheegi karnaa?

Haddaba Haddii aynaan baddali karayn dabeecaddoodda aynu bal isku dayno in aan wax ka baddali karno qaabka aynu ula dhaqmayno dadyowgaas.
Haddii aad la kulanto qof ka mid dadkan isku day in aad samayso afartan qodob mid ka mid ah:

Ha la hadlin! Dadka dabeecadaha adag waxba ha ku odhan isla markaasna wax aad ka cabanayso ha u sheegan! In aad qofna la hadli waydaa waa mid halis ah marka ay timaado nolosha caadiga ah se marka ay dadka noocan ah noqoto waa mid faa’ido leh waayo isku falcelin heli maysid haddii aad dhibkaaga u sheegato qof dabeecad adag iyo qof qalbi wanaagsan. Haddii aad dhib ku heshay u sheegato oo la wadaago qof wanaagsan waxa uu hoos u dhigi doonnaa qofkaasi murugadaadii isla markaasna waxa uu kor u qaadi doonaa niyaddaadii isagoo yididiilo wanaagsan iyo rajo kugu abuuraya, halka ka dabeecadda noocan ah lihi uu kugu ridayo niyad jab wayn isla markaasna taas oo xaaladda aad ku sugantahayna ka sii daraysa.

Iskaga dhaqaaq: go’aanka ugu wanaagsan ee aad ka qaadan karto qof dabeecad adagi waa adiga oo iskaga dhaqaaqa oo iskaga taga. Qofka oo aad iskaga dhaqaaqdaa waxa ay macno samaysaa marka qofkaas la sii joogiisu macno samay waayo! Xaaladdu waxa ay ugu xuntahay marka qofka hadal kasta oo aad tidhaa iyo ficil kasta oo aad samaysaa waxba u soo kordhin waayaan oo ay uga sii daraan. Markaas ayay habbooon tahay in aad arrimihiisa faraha kala baxdo oo aad iskaga tagto.


Wax ka baddal hab-dhaqankaaga: marka aad la hadlaysid qof dabeecad adag isku day in aad ula hadashid ulana dhaqantid si ka duwan sida aad ula dhaqantid dadka kale. Tani waxa ay kuu saamaxaysaa in aad ka samato baxdo dhibaatooyin kaaga iman lahaa xaggiisa.


Wax ka baddal dabeecaddaada: marka aad yar badasho qaabka aad ula dhaqmayso qofka dabeecadda adag waxa aad jeexaysaa dariiq iyo hab cusub oo aad iskula dhaqantaan hadda kadib.

Waxa aad xasuusnaataa in marka aad la dhaqmaysid dadka noocan ah aad haysatid afartan qodob se doorasho kali ahi ay kuu bannaan tahay ku dhaqankeedu.


Raad raac: Buugga magaciisu yahay ‘Dealing with difficult people’ ee ay qoreen Dr Rick Brinkman iyo Dr Rick Kirschner.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada