Daawo Muuqaal:- Qaxooti Yurub ku yaacay oo Qasaaro iyo Qatar baaxad weyn qabsatay

Daawo Muuqaal:- Qaxooti Yurub ku yaacay oo Qasaaro iyo Qatar baaxad weyn qabsatay

daajis.com:-Qaxooti ka yimid Qaarada Africa ayaa waxaa qabsatay qasaaro baaxad weyn oo aysan fileenin ka dib markii ciidamada xuduudaha dalka Spain ay ugu hanjabeen inay Maaso ama Koronto dhulka ku soo dhigayaan xili ay Qaxootigaan isku dhajiyeen Silig aad u dhirir badan.

Dhibkaan oo ka dhacay Jasiirada Melilla ee u dhaxeeysa dalalka Spain iyo Marooko ayaa waxaa deegaankaas ku soo yaacay boqolaal qaxooti Africaan ah balse ciidamada milatariga xuduudaha Spain oo inta badan dadkaan dib u celiyay ayaa waxeey dhib weyn kala kulmeen 70 ka tirsan Qaxootigaan oo fuulay waliba diiday inay ka soo degaan siliga dheer ee kala qeeybiya Magaalada Melilla iyo xuduuda Spain. 

Qaxootigaan oo in ka badan 6 saacadood saarnaa shabaqa ama siliga dheer ee xuduuda ayaa ugu dambeeyntii waxaa loogu hanjabay in Maaso koronto ah loogu xiri doono siliga waxaana markii ay daaleen lagu wareejiyay ciidamada xuduudaha Marooko oo ah halkii ay markii hore ka soo tahriibeen.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada