AQRISO:- 10 beelood oo kala qeybsaday guddiga dhismaha maamulka Galgaduud iyo Mudug (Aqriso sida loo kala qaatay)

AQRISO:- 10 beelood oo kala qeybsaday guddiga dhismaha maamulka Galgaduud iyo Mudug (Aqriso sida loo kala qaatay)

daajis.com:- xog ku saabsan qaabka ay beelaha Soomaaliyeed ee dega gobollada dhexe kala qeybsadeen gudiga Ergada ka soo shaqeyn doonto dhameystirka Maamulka Galgaduud iyo Mudug.

Waxaa lagu kala qeybsaday sida loo kala dego Deegaanadaasi, waxaana ugu badan Beesha Habar-Gidir oo heshay 9 xubnood, ayada oo ay kusoo xigaan beelaha Mareexaan iyo Murusade oo helay min 3 xubnood.

Sida ergada dhismaha loo kala qeybsaday:-
1- Beesha Habargidir ee Gobolka Galgaduud iyo Mudug , waxaa ay heleen 9 Xubnood.

2-Beesha Murusade ee Gobolka Galgaduud, waxaa ay heleen 3 Xubnood.

3 – Beesha Abgaal ee Gobolka Galgaduud, waxaa ay heleen 2 Xubin.

4 – Beesha Duduble ee Gobolka Galgaduud, waxaa ay heleen 1 Xubin.

5 – Beesha Sheekhal ee Gobalka Mudug,  waxaa ay heleen 1-xubin.

6 – Beesha Mareexaan ee gobolka Galgaduud, waxaa ay heleen 3-xubnood.

7 – Beesha Majeerteen ee Gobalka Mudug, waxa ay heleen 2-xubnood.

8 – Beesha Leelkase ee Gobalka Mudug waxa ay heleen, 2-xubnood.

9 – Beesha Dir ee Gobalka Mudug,  waxa ay heelen 1-xubin.

10 – Beesha Carab Saalax ee Gobalka Mudug,  waxaa ay heelen 1-xubin.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaar ka mid ah beelaha aysan ku qanacsaneyn xubnaha soo gaaray, ayna cabasho u gudbiyeen dowladda federaalka, waxaana laga yaabaa in wax laga beddelo hab qeybsigan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada