daajis.com:-Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay doorashada uu ku guuleystay
ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna xildhibaan ka tirsan
baarlamaanka Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr oo loo doortay in uu noqdo
madaxweynaha afarta sanno ee soo socota maamulka Khaatumo State.
Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Mustaf Sheekh Cali
Dhuxulow ayaa qadka taleefonka ugu hambalyeeyay Cali Khaliif Galeyr
markii uu ku guuleystay doorashadda ka dhacay deeganka Saaxdheer oo u
dhow soohdinta Soomaaliya iyo Itoobiya.
Cali Khaliif Galeyr ayaa wareegii koobaad ee doorashadda kaga
adkaaday 12-cod Maxamed Yuusuf Jaamac oo Indhasheel loo yaqaano oo kula
tartamayay doorashadda isla markaana horrey u soo qabtay xilka
madaxweynaha maamulka Khaatumo State.
Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay guusha
Cali Khaliif Galeyr wuxuuna intaas ku daray in madaxda dowladda sidaas
oo kale ay usoo dhaweenayaan guusha xildhibaan Cali Khaliif.
Wuxuu kaloo aad u bogaadiyay xildhibaannada doortay madaxweynaha cusub iyo guddiga doorashadda.
Maxamed Yuusuf Jaamac Indho Sheel ayaa helay 9 cod.
Waxaa kaloo la doortay madaxweyne ku-xigeenka maamulka Khaatumo
State, waxaana loo doortay Cabdelle Cagalule oo isna la tartamay ilaa
sideed musharrax, waxaana doorashadda madaxweyne ku-xigeenka la isla
tagay ilaa seddax wareeg.
Dowladda Soomaaliya ayaa horrey u taageersaneed maamulka Khaatumo
State oo seddax sanno ka hor lagu dhisay degmada Taleex ee gobalka Sool.
Madaxweynaha cusub ee maamulka Khaatumo Pro Cali Khaliif Galeyr oo
goobta ka hadlay ayaa sheegay in uu soo dhisi doono isaga iyo
ku-xigeenkiisa wasiiradda maamulka Khaatumo State.
Waxaa kaloo qaabka doorashadda u dhacday iyo in looga adkaaday goobta
ka sheegay madaxweynihii hore Indho Sheel isagoona ka sheekeeyay
marxaladihii uu soo maray maamulka Khaatumo State.
Maxaa loo xushay deeganka Saaxdheer in lagu qabto doorashadda?
Sidda ay lee yihiin qaban-qaabiyaasha doorashadda, waxaa loo arkay
deegankan deegan ay soo gaari karaan ergooyin iyo dadweyne kale oo ka
kala yimid, Puntland, Somaliland Itoobiya iyo kuwa kale oo ka yimid
dibedda.
Deeganka Saaxdheer waa tuulo muddo dheer soo jirtay, waxaana ay 3km u
jirtaa xadka Itoobiya, sidoo kale waxay xad la lee dahay Somaliland iyo
Puntland.
Ma jirto wax war ah oo ka soo maamulada Somaliland iyo Puntland oo ku
aadan doorashadda uu ku guuleystay Cali Khaliif Galeyr oo ah siyaasi
caan ka ah Soomaaliya oo dhan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:56 and have
, Published at