Dhageyso:- R/W Farmaajo: Xasan Sheikh wuu ka been sheegeen shirkii USA

Dhageyso:- R/W Farmaajo: Xasan Sheikh wuu ka been sheegeen shirkii USA

daajis.com:-Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladdiisa ay ka been sheegeen natiijadii ka soo baxday shirkii Mareykanka iyo hogaamiyaasha Afrika, taas oo aheyd in dowladda Soomaaliya ay guul ka soo hooysay shirkaasi.

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay in shirkii Mareykanka ay kasoo gaareen guulo, balse Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo wareysi siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in Dowladda aysan ka run sheegin shirkaasi.

Farmaajo ayaa sheegay in loo baahnaa in mudada labada dano in Dowladda ay ka guul gaarto ammaanka iyo dhaqaalaha, balse ay taasi ku guul darreysatay taasi oo uu sheegay in ay ku weysay taageeridii ay ka heli lahayd Mareykanka.

Farmaajo, ayaa dhaliilay madaxweynaha, wuxuuna sheegay in intii uu Xasan Sheekh hayay xilka, dowladdiisu ay ku guul dareysatay xaqiijinta ammaanka iyo soo celinta dhaqaalaha.

“Dalkii ammaan kama jira, caasimaddii nabad ma ahan, adiga gurigaaga (Villa Somalia) ayaa dhowr jeer laguugu soo weeraray, waxaa la dilay dhowr xildhibaan, marka waxaa la yiri sidee maalgalin uga hadli kartaa hadiiba aadan suggin ammaanka dalkaaga (…) Madaxweynuhu jawaabtiisa waxey aheyd in qatartaas la qaato oo la galo risk” ayuu yiri Farmaajo.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladii KMG ahayd, Farmaajo oo ka hadlay Arrimaha Badda Soomaaliya ayaa sheegay in Badda Soomaaliya badbaadinteeda looga baahan yahay Baarlamaanka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada