Halkan:- ka Aqriso Xilalka ay Dowlada ku qancisay Beesha Murusade oo horey u shaacisay in Kalsoonida kala noqotay

Halkan:- ka Aqriso Xilalka ay Dowlada ku qancisay Beesha Murusade oo horey u shaacisay in Kalsoonida kala noqotay

daajis.com:-Dowlada Soomaaliya ayaa dhoor jago oo miisaan badan laheyn waxa ay ku qancisay Beesha Murusade oo dhoor bil kahor shaacisay in ay kalsoonida kala noqotay Dowlada Federaalka Soomaaliya, kadib markii ay ku eedeeyeen in ay ka waayeen qadarin iyo xaqii ay Dowladu ku laheed.

Siyaasiyiinta Beesha Murusade, Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo kulamo kala duwan dalka iyo dibadiisa ku yeeshay ayaa soo dhaweeyay tilaabada dowlada loogala noqday Kalsoonida inkastoo markii dambe lakala fur furay Siyaasiyiintii iyo Odayaashii horboodayay in Dowlada Kalsoonida lagala noqdo.

Dowlada Soomaaliya oo durba dareentay saameynta ay ku yeelatay kalsooni kala noqoshada beeshan ayaa bilowday in xilal yar yar ay Dowlada ka siiso, waxaana xiliyo kala duwan Dowladu Xilal u magaacawdy xubno kasoo jeeda Beesa Murusade .

Halkan ka Aqriso Jagooyinka Dowlada Siisay Beesha Murusade


1-Taliye Kuxigeenka Nabad sugida Gobolka Banaadir C/fatax Shaaweeye.

2-Guddoomiye kuxigeenka Bankiga dhexe , Maryan Macalin.

3-Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dastuurka iyo Cadaalada, Xuseen Iidow

4-Xubub katirsan Guddiga dib u eegista Dastuurka 'Prof. Xassan Cumar Mahad-Alle'.

Xilalkan Dowlada ugu tala gashay qancinta Beesha ayaa qaar kamid ah Aqoonyahanada kasoo jeeda Beesha Murusade ku tilmaameen kuwa aan u cuntamin beesha balse looga faa’iideestay hogaan la’aanta iyo kala daadsanaanta beesha dhaxdeeda ka jira xiligan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada