Daawo Sawirada:- Cali Khaliif Galayr oo goordhaw loo doortay in uu noqdo Madaxweynaha Maamulka .

Daawo Sawirada:- Cali Khaliif Galayr oo goordhaw loo doortay in uu noqdo Madaxweynaha Maamulka .

daajis.com:-Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr oo ah Siyaasi caan ah horeyna Soomaaliya uga soo noqday R/Wasaare ayaa goordhaw waxaa loo doortay in uu Noqdo Madaxweynaha Maamulka Khaatumo State .

Waxaa Maanta doorasho lagu dooranayay Madaxweynaha Maamulka Khaatumo State waxa ay ka dhacday deegaanka Saaxdheer ee Gobolka Sool, waxaana doorashada ku tartamayay Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr iyo Madaxweynihii hore ee Maamulkaasi Maxamed Juusuf Jaamac Indha-sheel.

Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Khaatumo State Cali Khaliif Galeyr ayaa doorashada maanta dhacday waxa uu helay Codad gaaraya 21-cod halka Madaxweynihii hore ee Maamulkaasi isna uu helay 9-cod.

Hadal kooban uu jeediyay Madaxweynaha Khaatumo State Cali Khaliif Galeyr ayaa u mahad celiyay intii dooratay iyo kuwa aan dooran waxa uuna balan qaaday in uu wax qabad muuqda dhawaan la imaan doono.

Maamulada Somaliland iyo Puntiland oo daris la ah Deegaanada Maamulka Khaatumo State ayna isku heestaan labadaasi maamul ayaan wali ka hadlin doorashada maanta lagu doortay Madaxweynaha Khaatumo State.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com








Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada