Baaq:- Ugaas Axmed Cabdullaahi Cali oo ku baaqay in laga qayb qaato Nabadda iyo xasilinta dalka

Baaq:- Ugaas Axmed Cabdullaahi Cali oo ku baaqay in laga qayb qaato Nabadda iyo xasilinta dalka

daajis.com:-Kulan muhiim ah oo ey yeesheen wax garadka aqoonyahanada siyaasiyiinta, culimo uudiin iyo guud ahaan wax garadka Beesha yabadhaale cery oo ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay hoyga Ugaas Axmed Cabdullaahi ee magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa looga hadlay arimo baddan oo ay ka mid yihiin  hiigsiga iyo hormarka beesha yabadhaale wece  oo ka mid ah bahweynta  Habar-gidir gaar ahaan Beesha cery.

Kulankan  oo muhiimadiisu  aheyd  isku xirka Beesha  iyo ka qeyb qaadashada Nabadda  Soomaaliya ayaa lagu magacaabay shan  xubnood oo  Beesha u qaabili doonta  Arimaha dhaqanka,  sadax  xubnood oo u matali doonta dhanka siyaasada.

 Intuu kulanka socday  ayaa goobta looga dhawaaqay  gudi farsamo oo lagu biirinayo  xubnaha maamul u sameynta  Gobolada mudug iyo gal-gaduud oo dhawaan dowladda soomaaliya iyo Dadka deegaanadaasi ay kala saxiixdeen maadaama beesha ay ka mid tahay beelaha daga goboladaasi.

Ugaas Axmed Cabdullaahi Cali ayaa sheegay in xubnahaan ay sidoo kale ka qayb qaadan doonaan dedaaladda umadda Soomaaliyeed loogu jiro nabad iyo kala dambeyn ka islaaxda Soomaaliya.


Lama soo Koobi karo mas,uuliyintii  ka soo qeybgasha  kulankaasi  balse waxaan isku daynay inaan idiin soo gudbino qaar ka mid ah mas,uuliyiintii ka soo qeyb gashay ku wooda ugu magaca dheer,

1-Ugaas Ahmed Abdulle Ali
2. Caaqil eng  Hassanow
3- Sheekh Deylaf
4-Nabadoon Abdullahi Diriye
5-Nabadoon xaaji Xassan gurey
6-Nabadoon Axmed Dhiif
7-Nabadoon Abdi Shire
8-Nabadoon Macalin cilmi
9-Nabadoon Ahmed Xassan
10- Ganacsade Hassan Mire Dhiif
11- Ganacsade Hassan Sh  Yusuf
12- Dr Yassin Koofi xariir
 13-Nabadoon Bunjabshe
14 Dr Ahmed Xaqsoore
15- Qunsul Abdiweli Ali Hashi
16- Dr Abdiaziz Lire  (77)

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada