Daawo Sawirada:- Alshabaab oo Qabtey Mukhaadaraad Si Qarsoodi Ah Lagu Geliyay Sh/Hoose oo Baraawe Lagu Gubay.

Daawo Sawirada:- Alshabaab oo Qabtey Mukhaadaraad Si Qarsoodi Ah Lagu Geliyay Sh/Hoose oo Baraawe Lagu Gubay.

daajis.com:-Fagaaro ku yaalla degmada baraawe ayaa shalay gelinkii dambe 35 karbaash oo tacziir ah lagula dhuftay nin la qabtay asigoo magaalada soo gelinaya 10 kiish oo tubaako ah iyo todobo kartoon oo sigaar ah.

Qaadiga degmada oo xusay in eedeysanuhu qirtay dembiga in uu galay ayaa ku dhawaaqay xukunka kadibna xisbada ayaa fulisay iyadoo sigaarka lagu hor gubay dad fara badan oo goobta isugu yimid.


Tubaakada oo ahayd nooca shiidan ayaa badda la raaciyay maadaama laga baqay in caafimaad darro ay sababto haddii magaalada gudaheeda lagu gubo.

Ninkaan oo wattay gaari weyn oo gacanta lagu dhigay asigoo maandooriyaha ku sida ayaa lagu xukumay saddax bilood oo xarig ah halka gaarigana lagu soo rogay xanibaad ah in aan lagu shaqey karin muddo laba bilood ah.


Dhulka xarakada shabaabul mujaahidiin ay ka taliso waxaa mam nooc ka ah muqaadaraadka sida sigaarka, qaadka, xashiishka, tubaakada, qamriga iyo wax kasta oo lagu saqraamo.


Sanadihii la soo dhaafay waxaa marar badan dhacay xukuno isugu jiray xarig iyo tacziir oo lagu fuliyay shaqsiyaad la soo qabtay iyagoo maandooriyaha ka ganacsanaya iyo kuwa lagu helay in ay cunayeen.


Hoos ka daawo Sawirada.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada