Wafdiga ku sugan Buulo-Burde oo ka codsaday Dowladda Furitaanka wadooyinka Xiran

Wafdiga ku sugan Buulo-Burde oo ka codsaday Dowladda Furitaanka wadooyinka Xiran

daajis.com:-Wefdi Xildhibaanno ah oo ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya oo maanta gaaray Gobolka Hiiraan si ay ugu kuur galaan xaaladaha beni’aadanimo ee ka jira gobolkaasi ayaa ka codsaday dowladda inay furto waddooyinka weli xiran ee deegaannada Gobolkaasi ah, si kaalmo loo gaarsiiyo dadka tabaaleysan.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow iyo Xildhibaan Maxamed Maxamuud Ibraahim oo ka mid ah mudanayaasha maanta gaaray degmada Beledweyne oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa waxa ay u jeedka socdaalkooda ku sheegeen in ay la xiriirto wax u qabashada dadka ay abaaruhu saameeyeen iyo in ay ogaadaan xaaladda dhabta ah ee ka jirta gobolkaasi.
 
Xildhibaannada ayaa ka codsaday in gurmad loo fidiyo dadka ay abaartu saameysay iyo in la furo waddooyinka degmada Buulo Barde ee ay dagaalladu ku xirmeen.
 
Dhanka kale isu soo bax nabadeed oo ay dhigayeen dadka degmada Buulo- Barde ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay kaga cabanayeen xaalado nolol xumo oo haysata iyo saameynta ay yeelan karto xirnaanshiyaha waddooyinka degmadaasi soo gala.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada