Beesha Sade oo Bayaan ka soo saartay Maamul u sameynta Gobolka Galgaduud iyo Mudug

Beesha Sade oo Bayaan ka soo saartay Maamul u sameynta Gobolka Galgaduud iyo Mudug

daajis.com:-Kulan ballaaran oo ay iskugu yimaadeen xildhibaanno kasoo jeeda beelaha Mareexaan (Sade), Ugaaska Beesha, Salaadiin ayay uga soo horjeesteen guddigii farsamada ee dowladda Soomaaliya u magacowday maamul u samaynta gobollada Mudug iyo Galgadud,

waxayna ku tilmaamay mid kasoo horjeestay qawaaniinta dalka iyo awood qeybsiga beelaha dagan gobolka.
 
Xildhibaannada ay ka mid ahaayeen;  Nuur Faarax  Jaamac, Cabdullaahi Yuusuf Cali iyo Xildhibaan Shariif Cabdi , Ugaaska guud ee beesha Sade Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle, Salaadiin iyo waxgarad kale a ayaa waxay soo saareen war saxaafadeed ka kooban lix qodob oo xasaasi ah.
 
Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidan.
 
Baryahaan danbe waxaa magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho ka socday dadaal ay dowladda Federaalka Soomaaliya maamul gobolleed ugu dhisayso gobolka Galgaduud iyo qeyb kamid ah gobolka Mudug. Hadaba beesha Mareexaan Sade oo kamid ah beelaha waaweyn ee dega deegaanadaas waxaa ay qoraalkan ku cadeynaysaa aragtida iyo mowqifka ay beeshu ka leedahay maamul u samaynta deegaanadaas. Beesha Mareexaan waxaa ay  go’aansatay soona jeedinaysaa qodobadan soo socda.
 
1. Beesha Mareexaan (Sade) waxaa ay cadaynaysaa in ay diidan tahay, qeybna ka ahayn maamul gobolleedka la damacsan yahay in laga sameeyo deegaanada Galgaduud iyo Mudug maxaa yeelay sharciga ma waafaqsana.
 
2. Beeshu waxaa kale oo ay cadaynaysaa in aan laga talo gelin arrintan, aysana jirin cid u matasha ka qeybgalka shirarka iyo kulamada looga wada hadlayo arrintaas.
 
3. Beeshu waxay cadaynaysaa in uusan matalin ururka Ahlusunna wal-jamaaca, kuna hadli karin aragtideeda iyo mowqifkeeda midna.
 
4. Beeshu waxay soo jeedinaysaa in aan laga dhex abuurin bulshada walaalaha ah ee deegaannadaas colaado iyo dhibaatooyin hor leh.
 
5. Beeshu waxay soo dhaweynaysaa maamul kasta oo cadaalad ah oo ay samaysato bulshada Soomaaliyeed waafaqsana shuruucda iyo qaanuunka dalka.
 
6. Beeshu waxaa ay soo jeedinaysaa in maamul u sameynta gobollada dalka looga danbeeyo dhaqanka, waxgaradka, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, cullimada, haweenka, dhalinyarada iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada degta gobolladaas.
 
Bayaanka waxaa ku saxiixan Ugaaska Beesha Sade, waxaana ay wadajir usoo saareen Xildhibaanada kasoo jeeda deegaankaas ee ku abtirsada beesha.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada