DAAWO VIDEO:-Hooyo Fariin Murugo leh u dirtay Hogaamiyaha Daacish

DAAWO VIDEO:-Hooyo Fariin Murugo leh u dirtay Hogaamiyaha Daacish

daajis.com:-Shirley Sotloff Waa Hooyada dhashay Wariye Gacanta ugu jira Kooxda Daacish,waxana ay fariin ay soo dirtay kaga dalbanaysaa Kooxdaasi in ay u sii daayan Wiilkeeda oo ay aad u jeceshahay . 

Hooyada oo Fariinta u soo duubtay Muuqaal ahaan ayaa waxa ay si toos ah ugu diraysaa hogaamiyaha Daacish Abu Bakar Al Baqdadi, waxa ayna ka codsatay in loo sii daayo Wiilkeeda oo Suxufi ah gacantana ugu jira Kooxda Daacish ee ka Dagaalanta Dalka Siiriya.

Steven Sotloff oo ah Wariye u dhashay Dalka Mareykanka gacantana ugu jira Kooxda Daacish ayaa dalka Siiriya lagu afduubay Sanadkii hore , waxana markii ugu horaysay muuqaalkiisa ay kooxdaasi soo bandhigtay Todobaad kahor xiligaa ay kooxdu baahisay Dilka Wariye kale oo u dhashay Dalka Mareykanka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada