DHAGEYSO:- Khaatumo Oo ka hadashay Dagaalka Saaxdheer iyo Cidda hadda gacanta ku haysa.

DHAGEYSO:- Khaatumo Oo ka hadashay Dagaalka Saaxdheer iyo Cidda hadda gacanta ku haysa.

daajis.com:-Iyadoo saaka Waaberigii hore Maamulka Somaliland uu Duulaan Colaadeed ku qaaday deegaanka Saax-dheer oo 70 km dhinaca koonfur galbeed uga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, ayaa warar kala duwan waxaa ay kasoo baxayaan dagaalka khasaaraha ka dhashay iyo cidda hadda gacanta ku haysa Saax-dheer.

Xildhibaan ka tirsan Maamulka Khaatumo Oo lagu magacaabo Cali Muuse Aw Jaamac ayaa Radio Gaalkacyo u sheegay in Dagaalka khasaare fara badan oo labada dhinac ah uu ka dhashay, dhinaca kale waxaa uu sheegay in Maamulka Khaatumo uu wali gacanta ku hayo Saax-dheer dagaalkuna uu ka wali ka soconayo Duleedka Magaalada meel 3 KM u jirta.

Deegaanka Saax-dheer ayaa maanta waxaa ka socotay qaban qaabada xafladda Caleemo saarka ee Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galayr waxaana ku sugnaa ergooyin iskaga kala yimid Gobolada Sool iyo Sanaag, balse goobtii Caleemo saarka ayaa mar qura saaka isku badashay goob dagaal, sida uu sheegay Xildhibaan Cali Muuse Aw Jaamac.


Dhinaca kale Xildhibaanka ayaa beeniyey Warar sheegaya in Somaliland ay gacanta ku dhigtay Saax-dheer, islamarkaasina madaxdii Khaatumo ay ka taallaabeen Xuduudka Dowladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaana uu sheegay in Cali Khaliif Galayr uu hadda ku sugan yahay Guri ku yaalla Saax dheer.

RIIX HALKAAN DHAGEYSO WAREYSIGA XILDHIBAANKA



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada