Madaxwayne Rajab Dayib Erdogan oo maanta la caleema saarayo

Madaxwayne Rajab Dayib Erdogan oo maanta la caleema saarayo

daajis.com:-Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga lagu caleema saaro madaxwaynaha cusub ee dalkaas mudane Rajab Dayib Erdogan oo bilowgii bishan ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee ka dhacday Turkiga.

Wafdi uu hogaaminayo madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya oo shalay gaaray magaalada Ankara ayaa ka mid ah madaxda ka qeyb galeysa xaflada caleema saarka Erdogan.
Qabanqaabada munaasbada madaxwayne Erdogan loogu dhaarinayo xilka cusub ayaa laga dareemayaa guud ahaan Turkiga.
Xaflada caleemo saarka ayaa lagu wadaa in ay ka soo qeyb galaya madaxwayneyaal badan oo ka socda caalamka, kuwaas oo xiriir wanaagsan la leh dalka Turkiga.
Shacabka Turkiga ayaa Rajab Dayib Erdogan u doortay xilka madaxwaynenimo 11-kii bishan, kadib doorashadii ugu horeysay ee ay u dareeraan taariikhdooda.

Mareykanka ayaa u diraya munaasabadan caleemo saarka xubin ka tirsan safaarada uu ku leeyahay dalka Turkiga, halka aysan jirin masuuliyiin ka socota dowladaha galbeedka Yurub oo ka qeyb galaya xafladan.
Erdogan ayaa saddex jeer dalka Turkiga ka noqday ra’iisal wasaare.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada