Nin watay in ka badan 20-Baasaboor oo looga shakisan yahay in uu katirsan yahay Al-Shabaab oo la qabtay

Nin watay in ka badan 20-Baasaboor oo looga shakisan yahay in uu katirsan yahay Al-Shabaab oo la qabtay

daajis.com:-Ciidamada Booliska wadanka Kenya ayaa sheegaya iney baaritaan ku hayaan nin looga shakisan yahay xoogaga Al-shabaab oo watay baasabooro fara badan oo kala nooc ah.

Ninkan ay Ciidamada Kenya gacanta ay ku dhigeen oo lagu magacaabo Karimjee Ahmed Ali ayaa waxaa lagu qabtay isagoo wata illaa 23 passport oo leh magacyo kala duwan.

Sarkaal ka tirsan booliska degaanka Mutomo oo magaciisa la yiraahdo Thomas Ngheiwha ayaa xaqiijiyay in ninkan looga shaki qabo inuu ka tirsan yahay Xarakada Al-shabaab maadaama lagu qabtay isagoo wata 23 passport.

“Qofkan waxaynu xirnay xili uu ku sugnaa degaanka Kitui waxaana uga cabsi qabnaa inuu Al shabaab xiriir la leeyahay” ayuu yiri Thomas oo saxaafada la hadlay.

Sarkaal kale Kenyan ah lana hadlay wargeyska The Standard ayaa sheegay in ninkan la’aamisanyahay inuu yahay sarkaal sare oo Al-shabaab ka tirsan balse baaritaanku uu ku socdo. 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada