Cabdi Waal”:- Ayaa Dhahey Aniga Kama Danbeyn Dilalkii Muqdisho Ka Dhacay Ee..

Cabdi Waal”:- Ayaa Dhahey Aniga Kama Danbeyn Dilalkii Muqdisho Ka Dhacay Ee..

daajis.com:-Siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad oo kamid ah Siyaasiyiintii ku noolaa Magaalada Muqdisho ee ka baxsaday Barnaamijka hub ka dhigista ee ay wado Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iska fogeeyay inuu ku lug lahaa dilalkii ka dhici jiray Magaalada Muqdisho.

Isaga oo ku sugan Magaalada Guriceel ee Gobalka Galaduud ayuu C/waal sheegay in dadka Soomaalida ay ogyihiin sida uu yiri inaanan geysan jirin dilalka ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Cabdi Waal, ayaa sheegay in dadka wax ku dilaya Magaalada Muqdisho ay yihiin ciidamada ruuxaanta ee ka tirsan kuwa Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya.

Tan iyo markii Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho ay ka biloowday barnaamijka hub ka dhigista ayaa waxa ay Magaalada noqotay mid ay ku yaraadeen dilalkii ka dhici jiray caasimada.

Ammaanka Muqdisho ayaa hada soo hagaagaya, taasi oo dadka Odorasa arimaha amniga ay kuugu sheegayaan in sababta ay tahay hub uruurinta Dowladda ay Muqdisho ka biloowday oo keentay xasil dhanka amniga ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada