Daawo Sawirada:- Wasiiro katirsan Xukuumada Somalia oo maanta soo arkay Xaalada kajirta Xabsiga Dhaxe ee Xamar

Daawo Sawirada:- Wasiiro katirsan Xukuumada Somalia oo maanta soo arkay Xaalada kajirta Xabsiga Dhaxe ee Xamar

daajis.com:-Ku-simaha Ra’iisul wasaaraha dalka ahna Ra’iisul wasaare ku-xigeen oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ayaa maanta kormeer ku tegay xabsiga dhexe ee Xamar si ay ugu kuur galaan xaaladda maxaabiista ee halkaasi ku jirta.

Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed ku-simaha Ra’iisul wasaaraha iyo mas’uuliyiintii la socday oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Garsoorka Mudane Faarax Sheekh C/qadir,Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Cali Axmed Daahir iyo xubno kale ayaa waxa ay kormeerkooda ka bilaabeen qeybaha uu xabsiga dhexe ka koobanyahay, waxaana ay soo indho indheeyeen xaaladda maxaabiista ku xiran xabsiga, qeybta caafimaadka, taliska iyo qeybta saadka.

Kormeerkan dhammaan qeybaha Xabsiga dhexe, markii uu soo idlaadey ayaa Warbaahinta Qaranka la hadlay Wasiirka Garsoonka iyo Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir Maxamed, waxa uuna tilmaamay in muhiimaddu kormeerkaani uu ahaa sidii ay howlaha guud ee Xabsiga uu u hayo dalka loo oggaan lahaa, isla markaana loo ogaado daruufaha ka jira si ay dowladda Soomaaliya u dhameystirto.

U jeedada kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Xukuumadda Soomaaliya ugu jirto dib u habeynta Garsoorka guud ee dalka, iyadoo sidoo kale ay Xukuumadda ay dooneyso dhowridda Xuqaaqda Muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxaana Xabsiga dhexe ee Xamar uu qabtaa howla tiro badan oo dhanka Dhaqancelinta ugu muhiimsan tahay.
  

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:27 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada