Daawo Sawirada:- Qaraxyo lagu weeraray Mid kamid ah Garoomada Kubada Cagta.

Daawo Sawirada:- Qaraxyo lagu weeraray Mid kamid ah Garoomada Kubada Cagta.

daajis.com:-Qaraxyo xoogan ayaa saakay lagu weeraray Garoonka Kooxda Kubada Cagta Shakhtar Donetsk ee Donbass Arena ee Dalka Ukrine .

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qasaaraha ka dhashay qaraxyadaan, wararka qaar ayaa sheegaya in uusan jirin wax dhibaato nafeed ah oo ka dhashay Qaraxyaan halka Warar kale oo iyana soo baxaya sheegayaan in Sadax qof ku dhinteen Qaraxyadan.

Ma jirto ilaa hada cid sheegatay Masuuliyada labo qarax xoogan oo maanta lagu weeraray garoonka ay ku ciyaarto Kooxda Kubada Cagta ee Shakhtar Donetsk ee Donbass Arena oo kamid ah Garoomada ugu waa weyn Qaarada Turub .

Qaraxyadan ayaa imaanaya xili Dalka Ukraine ee ka jiro xiisad colaadeed oo u dhaxeysa Dowlada Dalkaasi iyo Kooxo gooni u goosad ah oo taageero mugleh ka hela Dalka Ruushka.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada