Ciidamada Nabad Sugida oo Howlgal ay ka fuliyeen Muqdisho kusoo qabtay Hogaamiye Maxamed Gafaaje iyo hub uu lahaa

Ciidamada Nabad Sugida oo Howlgal ay ka fuliyeen Muqdisho kusoo qabtay Hogaamiye Maxamed Gafaaje iyo hub uu lahaa

daajis.com:-Ciidamada Nabad Sugida Dowlada Soomaaliya ayaa howlgal ay ka fuliyeen Magaalada Muqdisho waxa ay kusoo qabteen Hogaamiye katirsanaa Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida iyo hub uu lahaa.

Sida aan Wararka ku heleyno Ciidamada Nabad Sugida ayaa Howlgal waxa ay ka fuliyeen Guri kuyaala Xaafada Laba Dhagax ee Gobolka Banaadir waxa ayna howlgalkaasi kusoo qabteen Maxamed Cabdi Gafaaje oo ahaa Hogaamiye sare oo katirsanaa Kooxaha Burcad badeeda.

Ciidamada Nabad Sugia ayaa guriga Hogaamiyahan katirsanaa Burcad Badeeda Soomaalida waxa ay kasoo qabteen hub badan oo nuuca yar yar iyo hub kale oo la sheegay in uu heestay Ninkan Burcad badeeda katirsanaa.

Maxamed Cabdi Gafaaje iyo qaar kamid ah ilaaladiisa ayaa lagu xiray xarun ay Ciidamada Nabad Sugida ku leeyihiin Magaalada Muqdisho , mana jirin wax iska hor imaad ah oo dhax maray Ciidamada Nabad Sugida iyo ilaalada Hogaamiyahan katirsan Kooxda Burcad badeeda.

Dowlada Soomaaliya ayaa maalmahan Magaalada Muqwdisho waxa ay ka waday howlgalo gaar ah o hubka looga dhigayo Hogaamiyaal iyo Siyaasiyiin hubeesan oo kusugan qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada