daajis.com:-Xaaladda Soomaaliya ee maanta waxay la mid
tahay hooyo aan dhowr iyo labaatan sano aan dhalin canug hanaqaaday oo
markii uu gaaro socod baradka siriq uusan gudbi Karin u dhigayeen
sokeeyaha ugu dhaw sidaana saxariir iyo silic saaxada nolasha uga
baxayey.
Sidaa si la mid ahna dhowr ku dhashay
dhicisnimo halkii la wada korin lahaa ay hooyada iyo a abbahu is
furayeen; adeerada iyo abtiyaashana halkii ay heshiisiin lahaayeen
ladaba dhinac u kala hiilinayeen .
Marxalad kasta oo uu dalka soo ma to waxaa la
gaaray xilli la filaayey in dhiciskii ugu dambeeyey uu yara dhaafo
xilligii socod baradka una gudbo hanaqaad lagu hiigsado hannaan
dowladnimo looga gudbo xaaladihii fawdada ee dalka ku sugnaa 23 sano ee
ugu dambeysay.
Waxaase wax lala yaabo ay in ay weli jiraan
canaasiir rabta inay mijixaabiso masiirka ummadda markastana jillaafo u
dhigayo tallaabo kasta ee dalku ku hiiigsan karo horumar taam ah.
Canaasiirtan waxay ku awr kacsadaan qabyaaaladda oo ah cadawga koowaad ee dalkeenna dib u dhaca u horseeday.
Kooxahan markasta ay danahooda ka dhexwaayaan
nidaamka hadda jira waxay ka door bidaan inuu burburo, dilka, dhaca iyo
dagaallada dalka ka jirana aysan ka danqin, balse ay u muuqato uun
danahooda gaarka ah Iyagoo ku hadaaqa hadallo ay ka mid yihiin looma
dhamma, jufadeenna waa lagu qadiyey, maamul goboleedkeenna waa la
hoosaasiyey, saamigii aan lahayn nalama siin, nalama tashan iwm. Taasina
waxay ugu dambeyn dhalisaa inay xubnaha dowladda uga jira ugu baaqaan
inay isaga soo baxaan.
Tallaabadii ugu dambeysay ee raadkeedu uu
muuqdo waxaa ku dhawaaqay Hoggaamiyaha maamul-goboleedka Puntland
Cabdiweli Maxamed cali gaas isagoo sabab kaga dhigay ku dhawaaqista
Maamulka Goboleedka Goballada dhexe oo uu u arkay mid ka hor imaanaya
danaha Puntland.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA CADAYNTA AH & C/WALI GAAS
Hoggaamiye Gaas wuxuu caddeeyey inuu xiriirka
u jaray Dowladda Federalka; islamarkaana wuxuu u yeertay xubnihii
gobolkaas u masilayey Baarlamaanka.
Arrintaasi waxay ka fajicisay siyaasiyiin iyo
indheergarad badan oo filayey in maamulka Cabdiweli noqdo kan ugu
horreeya ee soo dhaweeya tallabadan horay loo qaaday; waxay qaarkood ku
tilmaameen in Gaas uu si indho la’aan ah u raacay waddadii Faroole kana
baxay heshiisyadii Garawe 1 iyo 2 ee lagu ebyey nidaamka Fedraaliga ah.
Sidoo kale sharciyaqaannadu waxay caddeeyey
in hadalkii Gaas uusan uusan sharciga waafaqsanayn maadaama Puntaland ay
hoos timaado dowladda Federaalka aysanna ahayn dowlad gaar oo xiriir
jari karta ama xiri karta.
Arrinkan waxa ay I xusuusisay haweeney
ninkeeda ku tiri “Hooyadey baad iga tahay” markaasoo uu ninkii wareeray
wax uu sameeyana garan waayey, halkii uu ula tagi lahaa culimada aqoonta
u leh mas’ aladan ayuu iyadii ula laabtay oo ku yiri Maxaan sameeyaa.
Kolkaasey ku tiri “Si aad igu soo labatid waa
inaad kafaaro bixisaa taasoo ay inaad 30 maalmood oo is xiga soontaa
ama aad bixisaa 6 kun doollar oo Ninkii waxaa u sahlanaatay inuu
haweeneydii siiyo 6kun oo dollar si uu ugu laabto. Haweeneydii halkii
baa il uga baxday oo markii arrin ciriiri ka gasho waxay odaygeeda ku
tiraahdaa “Hooyadey baad iga tahay” isna uu ku qanciyo inuu jeebka u
buuxiyo.
Hadii aan waadixiyo arrinkan hooyadey baad
iga tahay waxaa la yiraahdaa Ad-dihaar (الظھار), waana in Ninku uu
haweeneydiisa ku yiraahdo “Waxaad iga tahay hooyadey oo kale”,
qur’aankuna wuxuu ku tilmaamay arrin fool xun oo la inkiro sida ay
caddeyneyso aayaddan:
“Kuwa haweenkooda kala mid dhiga
hooyadood oo kale haweenkoodu ma aha hooyadood, hooyo waa midda wax
dhashay, kuwaasina waxay ku hadlayaan hadal xun iyo been Ilaahayna waa
Saamax badane Dhaafid badane.”
Haddii ay arrintan oo kale dhacdo, waxaa lagu cilaajiyaa sida qur’aanku cadeeyey sidatan:
Kuwa haweenkooda kala mid dhiga hooyadood
haddana ku noqonaya «haweenkii» waxaa ku waajib ah qoor xoraynteed
intayan istaaban, Arrintaasi waa waano, Ilaahayna waxa dadku camal fali
waa ogyahay”.
Hadduusan awoodin sida aayaddan caddeyneyso waxaa u bannaan:
Ruuxaan helin qoor uu xoreeyo wuxuu
soomayaa Laba Bilood oo israacsan intayan istaaban, ciddiise aan karin
soonka wuxuu quudin Lixdan miskiin, arrintu waa saas si aad Alle u
rumeysaan iyo Rasuulkiisa, taasina waa xuduuddii Ilaahay Gaalase waxaa u
sugnaaday Cadaab kulul.
Halkaas waxaa nooga cad in Dihaarka iyo
Dhaqaalaqaba u yahay xukun ka soo fuli kara dhinaca ragga oo kaliya,
dumarkuna aysan wax shaqo ah ku lahayn, haweeneyduna aysan ninkeeda furi
Karin islamarkaana oran Karin hooyadey baad iga tahay.
Waxaa laga soo reebaa in marka haweeneydu ku
tiraahdo odaygeeda “Aabbahay baad iga tahay” in ninku wax shaqo ah uusan
ku lahayn balse iyada laga rabo kafaaratu yamiin oo ah kafaarada
dhaarta oo ah in la quudiyo 10 masaakiin ama la arad tiro ama qoor la
xoreeyo, intaas ciddii aan heli karinna saddex maalmood soonto sida ay
aayadda ku jirto suuratu maa’ida noo caddeyneyso:
Intaasi waxaan uga golleeyahay in maamul
goboleed uu hoos yimaado Dowladda islamarkaana uusan xiriir u jari Karin
dawlad qarameed, waayoo maaha labada dawladood oo xiriir isu jari kara,
sidaasi darted hadalkii Gaas wax ka so qaad ma laha, waxaana laga rabaa
inuu ka cudur daarto haddii ay aqoon darri xagga qaanuunka dowladnimo u
geysay.
Sidaasi darted Dowladda Federaalka waa inay
garataa Mas’uuliyaddeeda, arrimahan oo kale ee soo noqnodana ay tallaabo
ku habboon ka qaaddaa, mowqif adagna ka istaagtaa, kafaaradana aysan
iyadu bixin oo aysan la imaan madax salaax meeqaanka ka qaadayo.
Tallaabooyinka ay qaadi karto waxaa ka mid ah:
1) in Maamul-goboleedyada jira iyo kuwa soo socda aysan yeelan awood la mid ah tan dowladda.
2) In eray bixinta ah in Maamul goboleed yeesho Madaxweyne la joojiyo balse lagu magacaabo Guddoomiye( Governor ).
3) In madaxda maamul goboleedyada aan
loo oggolaan inay xiriir toos ah la yeeshaan Madaxda caalamka iyagoo
aan haysan oggolaanshaha Dowladda Federaalka ama waxa loo yaqaan Verbal
Note.
4) In Madaxda Caalamka aysan xiriir toos ah la yeelan Madaxda maamul goboleedyada oggolaansho la’aan.
5) In xildhibaannada ama wasiirrada u
hoggaansama baaqyada Madaxda maamul goboleedyada iyo Madax
dhaqameedyada laga qaado tallaabo sharci ah oo lagu anshax marinayo.
Haddii intaasi la waayo arrintu ka bixi meyso
xarig jiid, dowladnimadii iyo qaranimadii aan higsaneynayna waxay ku
biyo shubaneysaa maamul qabiileed hoos yimaada dalalka deriska ah.
Waxaa Qoray: Cabdikarim Xaaji Yuusuf – dulqarnayn114@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tanc Shabakada Daajis.com
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 04:25 and have
, Published at