Xog Cusub:- Al-Shabaab oo xabsiyo waa weyn ka furatay Muqdisho kuna haayo...

Xog Cusub:- Al-Shabaab oo xabsiyo waa weyn ka furatay Muqdisho kuna haayo...

daajis.com:-shabakada daajis ayaa ogaatay in kooxda Al-Shabaab ay xabsiyo waa weyn ku dhex leedahay magaalada Muqdisho, dowladda ay og tahay.

Ilo wareedyo ka tirsan Laamaha Ammaanka Dowlada Federaalka Somalia, ayaa inoo xaqiijiyay in Maleeshiyada Alshabaab ay Xabsiyo waaweyn ku dhex leeyihiin gudaha Magaalada Muqdisho.

Xabsiyadaasi ay Kooxda waxa ay ku leedahay Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir, waxa ayna Laamaha Ammaanka sheegayaan in halkaasi lagu xiro laguna baaro shaqsiyaadka ay Kooxda uga shakiyaan kamid ahaanshaha Dowlada Federaalka.

Sidoo kale, xog ay heleen Laamaha Ammaanka ayaa waxa ay intaa kusii daraysaa in Xabsiyadaasi ay ku jiraan Ciidamo ka tirsan Dowlada oo laga qafaashay gudaha Degmada iyo dad shacab ah, kuwaasi oo looga cabsi qabo inay u wareejiyaan Baraawe iyo Xabsiyada kale oo ay kooxda ku leeyihiin Gobolada Dalka, amaba ay gowracaan.

Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir, ayaa waxaa ka buuxa unugyo ka tirsan Kooxda Alshabaab, iyagoona xilli waliba halkaasi ka geysta dilal kala duwan iyo weeraro joogto ah.

Dhanka kale, Dowlada Federaalka oo kaashaneysa kuwa AMISOM ayaa la tilmaamayaa inay wadaan qorsho cusub oo ay halkaasi uga saarayaan Alshabaab.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada