Daawo:- Geedi iyo Puntland oo weerar afka ah isku qaaday "Hawiye xukun ma mudneyn iyo SSDF ayaa ka adkaatay USC"

Daawo:- Geedi iyo Puntland oo weerar afka ah isku qaaday "Hawiye xukun ma mudneyn iyo SSDF ayaa ka adkaatay USC"

daajis.com:-Waxaa ka dhacday Nairobi Xaflad lagu taageerayay Maamulka Puntland, waxaana Goobta ka dhacay dagaal Qaboow oo ay isku qaadeen siyaasiyiinta reer Puntland iyo kuwa Muqdisho.


Xili lagu Jiray Xaflada ayaa waxaa goobta ka hadlay Sheekh Shakuul, oo ka hadlay xoriyadda Soomaaliya iyo inay caddaalad darro ahayd in xukunka Somalia ay qabtaan siyaasiyiinta Hawiye, kadib gobinimadii, isaga oo si dadban u sheegay in beeshiisa ay xukunka usoo halgantay, ayna mudneyd in la siiyo.

Waxaa sidoo kale ay reer Puntland ammaaneyn jabhaddii SSDF, halka ay weerar ku qaadeen kuwa USC.

Waxaa hadalkii qaatay Prof. Cali Maxamed Geedi oo u jawaabay, ayaa sheegay inay nasiib darro ay tahay in dadkii xoriyadda usoo dagaalamay sida Aadan Cabdulle Cusmaan, Cabdullaahi Ciise iyo wixii la mid ah la yiraahdo ma mudneyn xukunka.

“Waxaan rabaa in aan runta sheego ma jirto jabhad ay weyso u dhowrnayd, ninkii ka xuman lahaa iyo kii ku farxi lahaa, dhamaan Jabhadihii dalka soo maray dhibaato ayay dalka gaarsiiyeen”ayuu si kulul u yiri Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada