Daawo Muuqaal:- Taksiile Soomaali Maraykan ah oo kufsi iyo dhac u geystey Gabar dhalinyaro oo 20 sano jir ah!!

Daawo Muuqaal:- Taksiile Soomaali Maraykan ah oo kufsi iyo dhac u geystey Gabar dhalinyaro oo 20 sano jir ah!!

daajis.com:-Taksiile Soomaali ah oo xaas iyo caruur leh ayaa waxaa la sheegay inuu ku kacay arin fool xun oo fadeexo iyo ceeb baaxad weyn ah ka dib markii uu kufsi iyo dhac uu u geystey Gabar dhalinyaro ah oo 20 sano jir ah oo rakaab ahayd oo uu ku soo qaaday tagsigiisa iyadoona ay arintaas la yaab noqotey qqr ka mid ah Soomaalida aqoonta u lahayd ninkaas Soomaaliga ah.

Ninkaan Soomaaliga ah oo lagu magacaabo Xaashi K. Saciid oo 40 sano jir ah islamarkaana ah nin xaas iyo 4 caruur ah leh islamarkaana ay xaaskiisu leedahay uur ayaa waxaa la sheegay in fal ceeb iyo fadeexad weyn ah uu ku kacay ka dib markii magaalada Boston ee dalkaas Mareykanka ay baabuurkiisa ay haweeney ay u soo raacday Tagsi ahaan laakiin ninkaas ayaa waxaa uu haweeneydaas oo da'adeeda lagu qiyaasay ilaa iyo 20 sano jir uu u leexsaday goob kale asagoo intaas ka dibna ugu dhacay xaga dambe ee baabuurka ee ay fadhisay ka dibna haweeneydaas ku kufsady goobtaas, ninkaas ayaa intaas ka dib waxaa uu haweeneydaas ka dhacay oo uu ka furtey teleefoonkeeda oo ahaa nooca loo yaqaan iPhone iyo waliba kaararkeedii bankiga ama credit cardskeedii iyadoona uu ninkaas ku dukaameystey oo uu wax ku iibsaday kaararkii haqweeneydaas xaday ninkaas ayaa ilaa iyo dhowr boqol oo doolar alaabo gaareyso ku iibsadey kaararkii Bankiga ee uu ka xaday haweeneydaas.


Ugu dambeyntiina iyadoo tagsiilahaan Soomaaliga ah oo ka mid ah kuwa ka shaqeeya garoomada diyaaradaha ay booliiska magaalada Boston gacanta ku soo dhigeen ka dib markii ay qabatey kaamirada goobihii ganacsiga ee uu ku isticmaalaayey kaararkii Bankiga ee uu ka dhacay haweeneydaas masaakiinta ah ayaa ninkaas oo maxkamada la hor keenay waxaa uu dafirey gebi ahaanba inuu falkaas geystay, Qaar ka mid ah Soomaalida taqaaney ninkaas ayaa waxay Yaab iyo amakaag ay ku noqtey falka uu ninkaas Soomaaliga ah ee xaaska iyo caruurta leh uu ku kacay, Ninkaan ayaa sidoo kale waxay booliisku sheegeen inay baarayaan inuu ku lug leeyahay dhowr jeer oo hore oo falal la mid noocaas oo ka dhacay deegaanadaas oo la weysanaa meel la saaro.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 08:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada